Muqdisho: Dad ku dhintay weerar Hoobiye

Image

MUQDISHU_ Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday weerar hoobiye oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Hobiyayaasha oo illaa lix ahaa, ayaa ku dhacay xaafado ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, oo ka tirsan degmada Xamarweyne, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Hoobiyayaashan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 13 qof, oo qaar ka mid ah ay xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

Dhammaan hoobiyeyaasha, oo la ruemysan yahay in loola dan lahaa madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumaha dowladda, ayaa ku dhacay guryo iyo goobo ay dad shacab ah ku sugnaayeen.

Dadka khasaraaha uu soo gaaray ayaa dhammaantood ah dad shacab ah.

Weerarada hoobiyeyaasha ayaa dhowaanahan kusoo badanayey magaalada Muqdisho, ayada oo inta badan dadka weeraradan fuliya ay baxsadaan.

VOA

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM