​MUQDISHU: Hogaamiyaasha Madasha iyo beesha Caalamka oo is-khilaafsan

Image

MUQDISHU, Somalia- Khilaaf xooggan ayaa ka dhextaagan Beesha caalamka iyo Hogaamiyaasha Soomaalida ee ka qeybgalaysa Shirka Madasha Qaran oo muddo ku dhow todobaad ka soconaysa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Warsida GO ayaa ogaaday in Beesha caalamka ay sheegeen inaysan aqbali doonin Natiijada Doorashada Madaxweynaha haddii aan si wanaagsan loo xalin musuq-maasuqa lagu doortay 24 Kursi oo kamid ah Baarlamaanka cusub.

Illo-wareedyada GO ayaa waxay kaloo sheegayaan in Wakiillada Beesha caalamka ee Somalia u gudbin doonaan Golaha Ammaanka musuq-maasuqa Doorashada Baarlamaanka, haddii aysan hogaamiyaasha Madasha tallaabo ka qaadin.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale dalbatay in lawada celiyo dhammaan kuraasta Xildhibaanada kusoo baxay musuq-maasuqa, dibna loo doorto Xildhibaano cusub, meeshana laga saaro kuwa la eedeeyay ee dadkoodu aysan dooran.

Hogaamiyaasha madasha, ayaa iyagu doonaya in la laalo dalabka Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Khilaafkaas, ayaa wali taagan, waxaana wararku sheegayaan in Hogaamiyaasha Soomaalida maanta soo saari doonaan War-murtiyeed lagu sheegi doono in Doorashada Madaxweyne markii 5-aad dib u dhacday, lana qaban doono 22-ka Bisha January ee 2017.

Gudiga Khilaafaad doorashada ayaa laga dalbaday inuu sharaxaad ka bixiyo, oo uu soo cadeeyo sababta 24-ka kursiga ee beesha caalamka isha ku hayso ay ugu soo koobeen 11 kursi islamarkaana looga reebay 13-kii kale.

Shalay, Beesha caalamka ayaa si wadajir ah usoo saarey war-saxaafadeed ay ugu baaqayaan Hoggaamiyaasha Madasha Qaran in ay qabtaan doorasho ku salaysan Daah furnaan, La-xisaabtan iyo Sharci.

War Saxaafadeedka oo ay ku midaysanyihiin UN-ka, Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in la sameeyey musuqmaasuq, Cabsi galin, Afduub, iyo in lagu tagri-faley ergada sharciga ah ee beelaha Soomaaliyeed ay soo qorteen.

Jamciyadda caalamka,  ayaa sidoo kale tilmaamtay in hogaamiyaasha Somalida ay ku guul dareysteen inay raacaan Hanaankii Doorashada ee lagu heshiiyay, taasina ay qatar gelinayso in la qabto Doorasho Xor iyo xalaal ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM