Mursal oo si wayn u dhaliilay hanaanka dib-u-eegista Dastuurka [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta oo Isniin ah saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa dhaliilo culus ujeediyay Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee dalka.

Waxuu sheegay Mursal in gudiga uu gabiyay shaqadiisa, isagoo tilmaamay in wax dib u eegis ah aanan lagu sameynin Dastuurka tan iyo markii lagu dhawaaqay inuu bilowday olalaha dib eegis loogu sameynayo Dastuurka horaantii sanadkaan 2018.

Mursal ayaa carabka ku dhuftay in wax loo dulqaato "aysan ahayn" in iyaddoo bilooyin dhowr ah laga soo gudbay aanan dib eegis lagu sameynin Dastuurka, waxaana uu quus iyo rajo la'aan ka muujiyay sida hadda wax ku socdaan oo aanan lagu dhameystiri Dastuurka dalka muda yar ee harsan.

Kalfdhiga Baarlamaanka marka uu furmo ayuu daboolka ka qaaday inay go'aan cad kasoo saari doonaan, hadii sida uu hadalka u dhigay aysan isbedal ku sameynin Guddiga Dib u eegista Dastuurka "sida hadda tahay shaqadooda".

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu faray inay si deg deg ah wax ka bedal ugu sameyso geedi socodka dib u eegista Dastuurka, kaasoo loo madalsan yahay in sanadka 2020 uu noqdo mid ka baxa KMG.

"Iyadda oo muddo badan ay kasoo wareegatay xiligii lagu dhawaaqay geedi u socodka dib u eegiska Dastuurka in haatan nala horkeeno Labo cutub ama ka badan oo kaliya la leeyahay Af-Soomaaliga ayaa wax laga bedalay ama qodobo ayaa lagu daray ma ahan sida lagu heli karo Dastuur dhameysiran sanadka 2020," ayuu yiri Mursal.

Dastuurka Soomaaliya oo wali qabyo qoraal ah, ayaa Lixdii sano ee lasoo dhaafay ku socday hanaan looga saarayo Qabyada, kahor doorashada sanadka 2020-ka oo la qorsheeyay inay noqoto mid qof iyo cod ah.

Dastuurkan ayaa lagu tilmaamay midka ugu qaabilsan dunida, marka laga hadlayo lacagta ku baxday qoristiisa, iyadoo dhamaan dowladihii KMG ahaa iyo kuwii ugu dambeeyay, tii Xasan Sheekh iyo midan Farmaajo ay ka shaqeynayaan dib u eegistiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM