Muudey: Mooshinka laga keenay Jawaari waa sharci, cidna ma diidi karto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiwelii Ibraahiim Muudey ayaa ku dhawaacay inuu sharci yahay mooshinka laga soo gudbiyay gudoomiye Jawaari.

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho, mudane Muudey ayaa sheegay in mooshinka uu qabtey uu yahay mid sharci ah, oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, oo ah in Xildhibaano gaaraya 92 ay saxiixaan.

"Mooshinka wuxuu sharci noqday markii la ii keenay, oo aan fiiriyay sharcinimadiisa inay dhamaystiran tahay, kadibna aan saxiixay, waxaana rabaa in aan adiin sheego in aan lagu waareerin sharcinimada Mooshinka iyo wararka suuqa la geliyay, qaabkii uu ku shaqeyn lahaa aniga ayaa iska leh," ayuu yiri Cabdiweli Muudey.

Muudey ayaa sheegay inay cadeetay warkii ahaa Xildhibaano saxiixay mooshinka oo gaaraya ayaa dib uga laabtay saxiixa, islamarkaana aanay jirin cid ka laabatay, oo dhamaan 107 ay go'aankoodii wali ku taagan yihiin.

Cabdiweli Muudey oo qaraabo dhaw yihiin Fahad Yaasiin, Agaasiimaha Villa Soomaaliya ayaa tilmaamay in isaga uu shir gudoomin doono Kulamada Gollaha Shacabka inta uu socdo Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Hadalka Muudey ayaa yimid saacado kadib markii Gudiga joogtada ee Baarlamaanka uu laalay Mooshinka ka dhanka ah Jawaari, kadib markii uu kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, iyagoo go'aankooda u cuskaday in tiradii looga baahnaa aan saxiixan.

Mooshinka Jawaari ayaa dalka geliyay xaalad siysaadeed cusub iyo kala qeybsanaan ku timid Gollaha Shacabke ee Baarlamaanka, oo maalmo kahor guda galay kalfashigiisa 3aad.

Warar ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ayaa gadaal ka riixayso Mooshinka lagu ridayo Jawaari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM