Muxuu Khayre kala hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Norway?

Image
Image

OSLO, Norway - Ra'iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo sodcaal ku jooga Norway ayaa wuxuu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Ine Marie Eriksen Søreide.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Khayre, waxay kawada hadleen labada mas'uul arrimo ay kamid yihiin, xoojinta xiriirka labada dowladood, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Khayre ayaa inta uu kulankaas socday wuxuu usoo bandhigay Søreide qorshaha xukuumada uga degan dhamaan qodobada aan kor ku xusan, wuxuuna warbixin ka siiyay xaalada guud ee dalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku amaaney Norway kaalinteeda horumarka Soomaaliya iyo inay hormuud u tahay isbedelka hadda ka socda.

Kulanka waxaa xaadir ku ahaa mas'uuliyiin labada dhinac ka kala socotay, kuwaasoo uu ku jiro wasiirka Maaliyadda ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay inuu ka qeyb geli doono Khayre shirka Madasha Oslo [Oslo Forum], kaasoo madax badan oo caalami ah lagu casuumey.

Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres, madaxa Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, iyo madax kale ayaa ka qeyb-gali doona kulanka, oo diirada lagu saari doono colaadda ka jirta dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

Shirkaan ayaa waxaa uu socon doontaa inta u dhaxeysa 19-20 bishaan June, iyadoo Khayre mudada uu shirkaas ka qeybgalayo uu kulamo gaar-gaar ah la qaadan doono mas'uuliyiinta ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka Oslo kadib, Khayre iyo Wafdigiisa ayaa la qorsheynayaa inay u ambabaxaan dalka Belgium-ka halkaasi oo 24-ka bishan ka furmi doona Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya. [Halka ka akhiri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM