Muxuu kulanka BF ee furmaya uga dhigan yahay siyaasada kala-guurka?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Todobaadka soo aadan waxaa la filayaa in ay furmaan kulamada Barlamanada Federaalka ah ee Soomaaliya labadiisa gole – Aqalka sare & golaha shacabka – Soomaalida iyo dalalka daneeya arrimaha dalka ayaa indhaha ku haya fadhiyaddaas.

Turkiga ayaa Jimcadda maanta ah 15, May, 2020 waxay diyaarad khaas ah ka soo qaadey afhayeenka golaha shacabka, Maxamad Mursal Cabdiraxmaan, iyo Gudoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Tagitaanka labada gudoomiye ee magaalada Muqdisho ayaa la xiriirta in ay diyaariyaan furitaanka kalfadhiyada labada aqal, iyadoo wararku sheegayaan in kulamada mudanayaasha u dhici doonaan qaabka maqal iyo muuqaal ah, maadaama xaaladda caafimaad ee aduunka ka jirta aysan saamaxeyn isu-imaanshaha dadka.

Sidda warsidaha Garowe Online uu fahansan yahay, waxaa la filayaa in May 27, 2020, gudoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya oo ay madaxda ka tahay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim [Xaliimo Yareey] uu hortaggo labada aqal ee baarlamaanka, iyaddoo u gudbin doonta go’aanka guddiga ee ku aadan nooca doorasho dalku gali karo dabayaaqadda sannadka 2020.

Xilli horey loo duray dhexdhexaadnimadooda, waxaa sii kordheysa walwalka iyo shakiga laga muujinayo halka go'aanka guddiga cuskan doono.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegey in Xaliimo Yarey ay ku adkeysan doonto in dalka ay ka qabsoomeyso doorasho qof iyo cod ah, taas oo ku saleysan rabitaanka madaxweyne Farmaajo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u laaley soo jeedinta iyo qaabka ay madaxda dowladda federaalka dooneysay in ay noqoto doorashooyinka 2020-21 oo ahaa mid ku saleysan metelaad-iska-eg.

Lama saadaalin karo saameynta ka dhalan karta haddii guddiga ku adkeysto mowqifkaas, balse waxay sarre u qaadeysaa shakiga dhinacyada siyaasada ka qabaan in dowladda hadda jirta raadineyso muddo kororsi.

Dhanka kale, saaxiibadda caalamka ayaa adkeeyay in qaabka doorashadda iyo goorta ay dhaceyso ay tahay mid ay go'aan ka gaari karaan dowlada Federaalka, maamulada iyo siyaasiyiinta kala hogaaminaya xisbiyada mucaaradka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey loogu eedeeyey faragalinta arimaha gudaha dowlad goboleedyadda dalka ayaa weli si xoogan dabada uga riixeysa qorshe ka dhan ah maamulka Jubaland.

Qorshayaashaas ayaa waxaa kamid ah in maamul bar-bar yaal kan hadda fadhigiisu yahay Kismaayo laga sameeyo gobolka Gedo. Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan ee xoogan kuwaas oo Villa Soomaaliya ku dooneyso degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo Jamaame kaga qabsato kooxda Al-shaabaab.

Bu’aale oo ah magaalo madaxda maamulka Jubaland ayaa dowlada Federaalka waxay qorsheyneysaa in inta ka horeysa dhamaadka bisha June ka dhisto maamul ka madax banaan Jubaland kaas oo saldhig looga dhigayo siyaasiyiinta gobolka ee diidan Madaxweyne Axmad Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee, kalfadhiga soo socda ee Barlamanada Soomaaliya ayaa noqon doona mid xasaasi ah, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed isha ku wada hayaan sidda uu u mareeyo arimaha siyaasada ee cakiran ee wadanka iyo mar-xaladda kala guurka ah ee la gelay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM