Muxuu yahay ujeedka kulanka Mursal iyo hogaanka Madasha Xisbiyadda?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ka socday dhanka Madasha oo ay ku mideysan yihiin lix xisbi siyaasi.

Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa lagu caddeeyay in Mursal uu casuumaad u fidiyey laba kamid madaxweyneyaashii hore ee dalka, wallow aan lagu soo bandhigin ajandaha lagu lafa guray wadahadalka.

"Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sh. Abdirahman ayaa kulan gaar ah ku casuumay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran. Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sh. Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankan gaarka ah la yeelanaya guddoonka golaha shacabka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Illaa iyo haatan, ma jiro war qoraal ah oo kasoo baxay dhanka xafiiska Mursal. Xiriiro uu Garowe Online la sameeyay kama jawaabin.

Dhowr illo wareedyo kala duwan oo muhiim ah ayaa xaqiijiyey in kulanka uu daaranaa arrimaha doorashooyinka iyo mar-xaladda kala guurka ee waddanka uu galayo si lamid ah qaabkii looga bixi lahaa arrintaas.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in wadahadaladda ay ahaayeen kuwa qaab hooose ugu soo socday maalmihii lasoo dhaafay.

Xisbiyadda mucaaraadka iyo maamualdda dalka ayaa ku adkeystay in doorasho qof iyo cod ah aysan waddanka dhici karin dhamaadka sanadkan, taas bedelkeeda loo baahan yahay in heshiis mideysan laga gaaro.

Sidoo kale, waxay cabsi iyo tuhunka muujiyeen muddo kororsi ay sameystaan madaxda haatan haysa taladda waddanka, talaabadaas oo ay ka digeen cawaaqib xumo ka imaan karta "aysana aqbali doonin".

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaysa eedeymo la xiriira in aysan u diyaar-garoobin doorashooyinka 2020-21 isla markaana ay dooneyso in ay sharci-yeyso nidaamka qabiilka 4.5.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM