Nuxurka khudbadii James Swan ka jeediyey Shirka Golaha Ammaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa khudbad ka jeediyey shirka Golaha Ammaanka oo ku qaabilsan habka fogaan aragga ah ama Zoom-ka.

Diblumaasiga ayaa hadal-jeedintiisa diiradda ku saarey ololaha ka hortagga Coronavirus, doorashooyinka, ammaanka, baacsiga Al-Shabaab iyo wadahadaladda dowladda federaalka iyo Somaliland.

Covid-19

Wakiilka ayaa tilmaamay in cudurka uu saameeyay dakhliga gudaha ee waddanka isla markaana uu GPD-ga dalka u hoos u dhacay tobban boqolkiiba, uuna yaraaday dhaqalaaha ka imaan jiray qurba joogta.

Ku dhowaad 2.6 milyan oo barakacyaal ah ayuu ka dhawaajiyey in ay halis ugu jiraan caabuqa dilaaga ah ee sidda fudud u faafa.

Dedaaladda dowladda iyo maamuladda ka qaadanayaan xakameynta xanuunka ayuu bogaadiyey, isagoo ka dhawaajiyey in ay ku dedaalayaan siddii ay qeyb kaga noqon lahaayeen ololaha baacsiga fayruska halista ah.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa illaa iyo hada laga diiwaan-geliyey in ka badan 1,500 xaaladood oo ah musiibadaan, 61 dhimasho ah iyo 203 oo ka caafimaadey, sidda ay sheegtay Wasaarafda Caafimaadka federaalka.

Doorashooyinka

Xilli uu ka dhawaajiyey in ay mar walba Beesha Caalamka taageereyso qabashadda doorashooyinka 2020-21, Swan ayaa xusay in todobaadka soo aadan uu noqon doono mid ay kala cadaadan wax walba.

Asbuuca soo aadan waxaa baarlamaanka hortagaya Guddiga doorashooyinka oo gudbinaya nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa. Si lamid ah, waxaa warbixin laga dhageysan doonaa guddiga heer baarlamaan ah.

Guddigaas oo waajibaadkiisu yahay dhameystirka sharciga doorashooyinka waxay soo jeedin doonan talooyin ku saabsan coddeynta.

Intii ay hadal-jeedintu socotay, Swan ayaa rajeeyay in warbixinta guddiga ay ka jawaabi doonto madmadow ku jira sharciga doorashooyinka gaar ahaan degaan doorashadda iyo qoondada haweenka oo lagu murmay.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo ururada bulshadda ayuu soo jeediyey in ay heshiis mideysan gaaraan si doorasho nabdoon u dhacdo.

"Ka sokow in diirada la saarayo doorashooyinka, waxaan sidoo kale xusid mudnaanta ay leenahay in Soomaaliya ay horumar ka sameyso ahmiyadaha kale ee muhiimka u ah dowlad dhisidda. Kuwaas waxaa ka mid ah sameynta maxkamada dastuurka, guddiga adeega garsoorka, iyo guddiga madax banaan oo xuquuqul insaanka iyo waliba dhameystirka dib u eegista dastuurka dowlada dhexe," ayuu hadalkiisu ku daray.

Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda ayuu ka codsaday in ay xaqiijiyaan xorriyadda hadalka xilliga doorashooyinka.

Ammaanka

Xaalada amaan ee dalka gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab ayuu tibaaxay in ay si wadajir ah ugala shaqeynayaan ciidamadda dowladda, kuwa AMISOM iyo saaxiibada caalamka "guulo waaweyn laga soo hooyay".

Qorshaha dhimista askarta AMISOM ayuu tibaaxay in uu socdo. Si lamid ah, tababarida ciidamadda Soomaaliya si amniga dalka ula wareegaan.

Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay in aysan u hogaan-samin baaqii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kuna saabsanaa xabad-joojinta caalamiga ah Covid-19 ayuu xusay in ay wado weerarada iyo cabsi-gelinta dadka.

Intaas waxaa wehlisa, wuxuu caddeeyay in ay lacago baad ah ka qaado ganacsatadda ayna joojisay adeegsiga weeraradda miinooyinka.

Isagoo ka dhawaajiyey in Coronavirus uu hoos u dhigay la dagaalanka Al-Shabaab, hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo daneeyeyaasha caalamka ayuu qeexay in ay dhowaan yeesheen wadahadalo lagu eegayo baahiyaha iyo hababka lagu xoojin karo ammaanka dalka, wuxuuna rajeeyay guulo laga gaaro.

"Wadahadalo sarre"

Wadaxaajoodyo heer sarre ah ayaa u socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sidda ay Khamiista maanta ah kashiftay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa hadaladaas wuxuu ka sheegay shir balaaran oo uu Golaha Ammaanka UN-ka ka yeeshay xaalada dalka.

Sidda laga soo xigtay diblumaasiga Ameerikaanka ah, UN-ka wuxuu dhiiragelinayaan wadahadaladda hoose ee socda.

James Swan ayaa tibaaxay in wadahadalada ay yihiin kuwa dhabaha loogu xaarayo shirar fool ka fool ah oo mustaqbalka dhaca.

"Marka aan u jaleeco xiriirka Soomaaliya-'Somaliland', waxaan dhiiragelinaynaa wadaxaajoodyadda heerka sarre ee socda, kaas oo labada dhinac ay isugu diyaarinayaan joogteynta xiriirka iyo baadigoobka wadahadalada mustaqbalka," ayuu ku sharaxay nooca wadahadal ee socda.

Maamul goboleedyadda

Maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayuu ku ammaanay in ay soo afjareen murankii ka dhashay doorashooyinkii madaxtooyadda iyo baarlamaanka ee bilooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay.

Sidoo kale, wuxuu ku booriyey in ay ka shaqeeyaan siddii loo dhisi lahaa dowlad loo dhan yahay oo shacabka ka faa'iideysto.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka UN-ka ayuu rajeeyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan si ay u gutaan waajibadkooda.

Ugu dambeyntii, wuxuu xaqiijiyey in ay dhimeen howlwadeenadooda xafiiskooda Muqdisho sabab la xiriirta Covid-19, balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay shaqadooda sii wataan iyagoo adeegsanaya isgaarsiinta casriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM