Puntland oo laga dhisey guddi faragalin ku sameeya doorashada Xildhibaanada Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Wararka laga helayo xubno ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in guddi ka shaqeeya la socoshada ergooyinka qabaa'ilka u soo xulayaan doorashada xildhibanada aqalka hoose Barlamanka Somalia uu magacabey Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Gudigaan oo ka kooban xubno siyaasad ahaan ku dhow Madaxweyne Gaas ayaa isugu jira wasiiro ka tirsan xukuumada iyo Xildhibaano kuwasoo madaxa Puntland u sareeya kala qayb gali jirey madasha shirarkii lagaga hadli jirey doorashada Somalia. 

Xubnaha gudigaan ka kooban yahay ayaa xogtaan waxay ka magacowdey wasiirka ganacsiga Puntland, wasiirka shaqada shaqaalaha, Xildhibaan Saadiq Garaad iyo xildhibaan Nuux Dheere.

Wararka xogtaan ku xeeran ayaa sidoo kale sheegaya in guddigaan shaqadoodu noqon doonto iney la socdaan dadka madaxda qabaa'ilku soo xulayaan "51 qof " kuwasoo dooran doono xubnaha u tartamaya  xilshibaanada Puntland. 

Dhinaca kale gudigaan ayaa  ka hortagaya talaabo kasta oo keeni karta in ergadaas soo dhexgalaan shaqaiyaad aan cod siineyn dadka siyaasad ahaan ay kala wataan madaxweynaha Puntland iyo madaxda dowlada Federaalka uu ugu horeeyo Ra'isal wasaaraha Xilku ka dhamaadey Cumar Cabdirashid.

Magacabista xubnahaan isugu jira wasiirada iyo xildhibanada ayaa waxaa fodsaar looga dhigey in yihiin guddiga dhinaca dowlada ka tageeraya ololaha doorashada Ra'isal wasaaraha xilku ka dhamadey Cumar Cabdiashid. 

Ra'isal waraha xilku ka dhamadey ayaa kulamo uu dhowaan la qaatey madaxda dhaqanka u sheegey Inuu musharax yahay islamarkaana u baahan yahay in xildhibanada Puntland re kasoo galaya labada aqal Barlamanada Somalia saldhig u noqdaan codkana siiyaan maalinta doorashada.

" Ujeedka ugu weyn ee loo dhisey gudigaan ayaa ah in xildhibaanada aqalka hoose iyo sare noqdaan kuwo go'aanadooda siyaasadeed ugu dambeeya madaxweynaha Puntland iyo RW hore Cumar Cabdirashid  madaama ka caawini doonaan iney kamid noqdaan golayashaan" sidaas waxaa GO u sheegey xogogaal ka dhow madaxtooyada Puntland.

Madaxda Somalida oo isugu jira maamul goboleed iyo Federaal kuwasoo dajiyey shuruucda loo marayo doorashada Barlamanaka aqalka hoose iyo sare ayaa heshiis ku ah in xulista xildhibanada  ku saleeyaan danahooda gaarka ah iyadoo mid walba gor-gortan siyasadeed ku galayo xubnaha ka yimaada maamul goboleedka uu madaxda ka yahay.

Warbixinta xogtaan xambaarsan tahay ayaa ku soo beegantey xilli wakiilka QM u qaabilsan arimaha Somalia hadal uu siiyey golaha amaanka dhowaan uu baqdin ka muujiyey in is-daba marin lagu sameeyo nidaamka doorashada Somalia madaama dib u dhigis badan lagu dhacdey.

Michael Keating  oo kamid ahaa madaxda beesha caalamka ee aadka ugu ololeysay nidaamkaaan doorasho aan laheyn hay'ado madax banaan kuwasoo  ilaalin lahaa xadgudbayada hadda jira ayaa warbixinta uu siiyey golaha amaanka ka gaabsadey inuu  sheego in madaxdii hore Somalida iyo kuwa maamulada gacanta kula jiraan xulista xildhibanada Barlamanka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM