Qadar oo wali Askar looga qorayo Soomaaliya [Yaa ka dambeeya]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa si xowli ah uga socday mudooyinkii dambe gobollada dalka barnaamij khatar ah oo dhalinyarada Soomaalida Askar ahaan loogu qorayo dowladda Qadar.

Warsidaha Garowe Online ayaa October, 2017 soo qoray warbixin gaar ah oo ku saabsan Askareynta dhalinyarada, taasi oo ay dalka kawadaan saraakiil qarsoon oo ku dhow dowlada Feferaalka kuwasoo dhinaca kale xiriir dhaw la leh Qadar. Halkan ka akhri.

Qorshahaan oo ah mid loogu sheegey dhalinyaradaan in la siinayo lacag badan ayaa waxaa lagu qaybsadey nidaamka 4.5 waxaana uu ka dhacdey is-diwaangalintaan dhamaan magaalo madaxyada Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo Garoowe.

Xasan Faarax Nuurre, oo ah aabe Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, ayaa xaqiijiyay in Wiil uu dhalay looga kaxaystey barnaamijkan Askareynta loo diyaarinayo dowladda Qadar.

Isagoo Wareysi siinayay Radio Daljir, ayuu sheegay Xasan in Wiilkiisa iyo dhalinyaro badan oo gaaraya 12 laga qaaday Caabudwaaq, iyagoo Baasaboor laga soo siiyay Muqdisho kadibna la geeyay magaalada Hargeysa halkaas oo looga dhoofiyay Qadar.

Aabahan ayaa xusay in Wiilkiisa loo sheegey in la siinayo shaqo uu ku qaadanayo mushaarka bishii gaaraya $2,800 [Labo Kun iyo Sideed Boqol oo Doolar] u ka qabanayo dalka Qadar, iyadoo damacaas uu wiilkiisa halis ku galay.

Xasan ayaa intaasi ku daray in Wiilkiisa iyo dhalinyarada kale markii laga dejiyay Qadar lagu xareeyay Xero military, madaxa laga xiiray, kadibna loo sheegay in ay u dagaalamayaan dowladda dalkaasi.

Dhalinyarada baa lagu wargeliyay markii la geeyay Qadar in lasoo qalday oo aysan jirin wax shaqo caadi ah oo ay qabanayaan, balse ay noqonayaan ciidamo calooshood u shaqeystiyaal ah [Mercenaries] oo dagaal galaya.

Arintan ayaa waxaan wali ka hadal dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, inkastoo ay ka warqabto barnaamijkan lagu askareynayo dhalinyarada ee ka socda deegaanada maamul goboleedyada dalka.

Qadar ayaa xilligan xiisad kala dhaxaysay dalalka kale ee Khaliijka carabta kuwaasi oo go'doomiyay bishii June 5, 2017, iyagoo sidoo kale u jaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay kadib markii ay ku eedeeyeen Doha inay taageerto kooxaha Argagaxisada caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM