Qaxootigii ugu badnaa oo galabta Bosaso soo gaarey [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

April 10, 2015 (GO)- Dekedda magaalada Bosaso waxaa galabta kusoo xiratey doon siddey 260 qof oo kasoo qaxay dalka Yemen.  Dadkan oo isugu jirey rag, dumar iyo carruur ayaa dhammaantood Soomaali ah, waxase ku jirey tobaneeyo qof oo muwalladiin ah kuwaasoo muuqaal ahaan Carab u eg.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.

Saraakiisha laamaha socdaalka iyo amnigu waxay sheegeen in dadka baaritaan la marin doono markaas kadibna loo oggolaan doono inay dekedda ka baxaan. Dadka qaar eheladooda ayaa ku sugaya bannaanka hore ee dekedda, kuwa aan eheladoodu jooginna waxaa loo diyaariyey gawaari geyn doonta goobo loogu talo galay inay si kumeel gaar ah u degaan.

Guddi Madaxweynaha Puntland u saarey arinta qaxootiga oo ay kamid yihiin wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa maaalada Boosaaso iyo Taliye ku-xigeenka booliska Bari ayaa gudaha dekedda saxaafadda kula hadlay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Warsame oo hadalka ku horreeyey ayaa ka warbixiyey qaxootiga maanta yimid iyo guud ahaan tirada dadka soo gaarey Puntland labadii todobaad ee ugu dambeeyey.

Xaashi ayaa sheegay in doonta maanta soo xiratey ay la socdeen 260 qof, horayna ay magaalada Bosaso u yimaadeen 402 qof oo isugu jirey 148 rag ah, 146 carruur ah iyo 108 dumar ah.

Wasiirka Dekedaha oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si fiican loo soo dhoweyn doono dadka kasoo qaxaya Yemen. Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland feejignaan dheeri ah oo dhanka amniga ah qabto aadna isha ugu hayso dadka ka imanaya Yemen.

Labadii todobaad ee ugu dambeeyey waxaa xeebaha Puntland soo gaarey in ka badan 800 oo qof. Dadkaas badankoodu waxay kasoo degeen magaalada Bosaso, balse qaar kale oo la socdey doomo yaryar ayaa gaarey degmooyinka Gumbax, Bareeda iyo Tooxin oo dhammaantood ka tirsan gobolka Gardafuu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM