QM oo baaraysa sababta keentay in Wakiilkeeda laga soo eryo Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay baareyso sababta keentay in dowladda Federaalka ee Somalia ay Muqdisho kasoo ceyriso wakiilkeeda, Nickolas Haysom.

Ku xigeenka Afhayeenka UN-ka, Farhan Haq oo warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaadey in cabashada ay qabto dowladda Somalia ay tahay mid u baahan baritaan dhan ah.

"Waan baareynaa arrinkan, waxaan isku dayeynaa inaan helno faahfaahino kala duwan, waxaan sidoo kale eegi doonnaa tallaabooyinka xiga ee ay tahay in aynu qaadno” Haq ayaa sidaasi u sheegay suxufiyiinta.

Warkan ayaa yimid kadib markii Talaadii lasoo dhaafay war kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda DF lagu amray Sarkaalkii ugu sareeyay howlgalka QM ee Somalia inuu dalka isaga baxo.

Eryida Haysom ayaa timid saacado kadib markii hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta QM ee Muqdisho, iyadoo weerarkan ay ku dhaawacmeen labo kamid ah shaqaalaha UN-ka iyo qandaraasle.

Weerarkan ayaa shaki badan abuurey, iyadoo Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres uu sheegay in dhacdan ay ahayd mid ula kac ah, isagoo ka dalbaday DF inay baaritaan ku sameyso. [Halkan ka akhri warka].

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa u cuskatay go'aanka ay Haysom dalka uga baxayo inuu faragelin ku sameeyay madax-banaanida dalka kadib markii uu ka hadlay rabshadihii ka dhacay Baydhabo, taasoo ciidamada amaanka ay ku dileen 15 qof oo shacab ahaa bishii December.

Haysom, oo kasoo jeeda South Africa, islmarkaana mudo kasoo shaqeeyay dalalka caalamka ayaa xafiiska QM ee kaalmeynta Soomaaliya [UNSOM] loo soo magacaabey bishii September ee 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM