Qori-isu-dhiibka doorashooyinka Soomaaliya oo laga digay in la wiiqo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa xusuusiyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in aysan dalka ka leexin dhabihii qori isku dhiibka ee doorashooyinka.

Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

"Mar walba oo la gaaro xilli kala guur ah ama gunnaanadka muddo xilleedka dowladda markaasi jirta waxaa bilaawda cabsi iyo guux ku saabsan mudo korarsi. Fikirkaan inta badan waxaa curiya dad walwal ka qaba mustaqbalkooda siyaasadeed ama kuwa dano dhaqaale oo gaar ah ku qaba Dowladda markaas jirta," ayuu siyaasiga ku bilaabay fariintiisa.

Wuxuu intaas hadalkiisa raaciyey: "Waxaa la isku dayaa in soo noqosho la'aan iyo cabsi la xiriirta natiijada doorashada loo muujiyo madaxda xilka heysa, sidoo kale beesha Caalamka ayaa loo diraa fariimo qaldan oo marin habbaabin ah si waqtiga loo dheereysto. Dhamaan isku dayada noocaan ah ee hoostagga dannaha gaarka ah kama suurtoobin dalka sanaddihii lasoo dhaafay, hadanna ilama’ahan iney taabo-gal noqon doonnaan".

Sidoo kale, wuxuu hogaanka xukuumadda federaalka ah u sheegay in cawaaqib-xumadii ka dhalata waqti ku darsi ay sameystaan ay mas'uuliyadooda qaadi doonan oo aysan jiri doonin cid ku wehlin doonta.

"Qof walba oo rajo kasii leh Soomaaliya, garanayana waxa lasoo maray iyo sida dowladnimaddu halkaan ku timid kuma fakaraayo inuu muddo korarsi sameysto. Haddii madaxda Federaalku go’aansadaan iney sumcadooda sariftaan, Qarankana ka leexiyaan dhabihii qori isu dhiibka iyo wixii lagu heshiiyay, looma siinaan doono masuuliyadda wixii naga hallaaba," ayuu tibaaxay.

Xilli uu ka dhawaajiyey in dowladdu ku fashilantay in goor hore u diyaar-garowdo doorashooyinka diidayna wadahadalo laga galo, Guuleed ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada ay leedahay coddeynta dhacdo.

"Dhamaanteen waajib ayaa naga saarran in la helo xasilooni siyaasadeed, doorasho xilligeeda ku dhacda iyo in xukunka la isugu wareejiyo si nabad ah. Maadaama xukuumadu ku guuldareystay shaqadii loo diray oo aheyd diyaarinta doorasho qof iyo cod ah oo xilligeedii ku qabsoonta, ma habboona in xilligaan lagu fakaro waxyaabo baalmarsan dastuurka iyo sharuucda dalka," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo u muuqda mid kasoo horjeeda ku darsi.

Hay'addaha xasaradaha caalamka ayaa ku talisay in madaxda dowladda iyo saamileyda siyaasadda ay heshiis mideysan ka gaaraan doorashooyinka si looga fogaado isku dhacyo ka dhasha cod-bixinta 2020-21.

"Xogo-gaal ayaan u nahay waxa dalka ka socda. Dhaqanka wanaagsan wuxuu sheegaya in qofku qirto gaabiskiisa iyo wixii aan socon karin, kadibna laga wada hadlo sidda ugu fudud ee lagu gaari karo yoolka saxda ah (doorasho guud), laakiin cidna uma suurto galli doonto iney meel mugdi ah ku rido masiirka iyo rajadda Dowladdnimada Soomaaliya (muddo korarsi)," ayuu xusay.

Qaramada Midoobay oo ku adkeystay in doorashooyinka waqtigooda ku dhacaan ayaa ku nuux-nuuxsatay baahida loo qabo in hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshadda rayidka heshiis deg-deg ah ka gaaran qadiyadan.

"Waxaa ila habboon in madaxda dalku ay masuuliyaddooda qaataan, oo ay garwaaqsadaan inuu Dalku u baahanyahay u turid iyo toosin," ayuu hoosta ka xariiqay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wuxuu kusoo xiray; "Waxaa si gaar ah madaxda Baarlamaanka, Xildhibaanada sharafta leh ee labada aqal iyo Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka shacabka Soomaaliyeed oga fadhiyaa inay xil iska saaraan xaqiijinta qabsoomidda doorashooyin ku dhaca xilligooda dastuuriga ah".

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa shaki, sababaha loo cuskanayana waxaa kamid ah diyaar-garow la'aan iyo ammaanka oo wali aan la sugin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM