Qoyskii nolosha ku gubey Axmed Dowlo oo la rabo in xabsiga laga sii daayo

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Muqdisho, Eng Yariisow ayaa wuxuu sheegay in Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay doonayaa inay damiin kusoo daayeen dadkii ka dambeeyay dilkii naxdin lahaa ee loo geystay Axmed Dowlo.

Axmed Dowlo ayaa loo dilay heeb-sooc guur, kaasi oo ay ugeysteen xubno kamid ah Gabar uu ka doontey Qoys, waxaana dilkiisa si adag uga fal-celiyey qaybaha kala duwan ee bulshadda, kuwaasi oo ku baaqey in cadaaladda ka horgeeyo dadki ka dambeeyay.

Yariisow ayaa carabka ku dhuftey in dowladda ay talaabo sharci ah ka qaadi doonto dad la sheegay inay gaaraayaan saddex ruux, kuwaasoo Boolisku xabsiga ku hayo, isagoo ku ku nuux-nuux sadey in aanan marnaba lasii dayn doonin xubnaha xiran.

"Waxaa jira Xildhibaanno doonaya inay damiin kusoo daayaan, taasina ma aqbali doono, waxaana leenahay ma jirto cid cadaaladda ka sareysa, madaxda qarankana ma ogolaan doonaan arintaasi, waxaa nagu balan ah in cadaaladdii ay istaahileen ay heli doonaan dembigaasi foosha xun ee ay geysteen," ayuu yiri Eng Yariisow.

Dhawaqa kasoo yeeray Gudoomiyaha gobolka waxaa si adag uga fal-celiyey Xilldhibaano ka tirsan Gollaha, kuwaasoo sheegay in Gudoomiye Yariisow ay ka doonayaan inuu soo cadeeyo Xilldhibaanada codsadey in damiin lagu siidaayo.

Xilldhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka oo lagu magacaabo Xuseen Colow ayaa leysla dhex-marayey inuu yahay mudanaha olalaha ugu jira siidaynta dadka xiran, inkasta oo qoraal uu soo dhigey boggiisa baraha bulshadda uu gaashaanka ku dhuftey.

Gudoomiye Yariisow oo dhankiisa ka hadlay wararka duul-duulaya ee ku saabsan Mudanahaan uu kamid ah Sharci-dejiyaasha uu eedeeyay ayaa dhinac uga leexiyey, inkasta oo uusan magac-dhibin dadka uu sheegayo inay arrinkaasi wadaan.

Ma ahan markii ugu horeysay Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu eedeeyo Xilldhibaanadda, waxaana la xusuustaan in sidaan oo kale uu kol-hore ugu dhaliilay inay ku cadaadiyaan inuu shaqo abuur ugu sameeyo dhalinyaro ay iyaga wataan.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya xili dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya maamualda iyo dowladda Federaalka, ayna sii kordhayaan mucaaradka Villa Soomaaliya, kuwaasoo haatan oo tooshka ku ifinaya toraan-turooyinka maamulka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM