Rooble oo hawada loo mariyey baaq ka dhan wasiir uu magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha xisbi siyaasadeeeka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa eedeeyay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Warsame ayaa sidoo kale wuxuu bogaadiyey xubnaha cusub ee kusoo baxay Xukuumada 20aad ee Soomwaliya.

Isaga oo cuskanaya xubin ku biirtey golaha, Farmaajo ayuu si gaar ah ugu eedeeyay "dhiiragelinta gacan ku dhiigleyaasha".

"Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo," ayuu kusoo qoray Facebook.

Wuxuu ku daray: "Waxaase arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda".

"Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha," ayuu raaciyey.

Qoraalkiisa ayuu kusoo xiray: "Waxaan ugu baaqaynaa Ra'iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka".

Weerarka hoyga siyaasiga ayaa kamid ah "tacadiyada ugu culus" ee maamulka Farmaajo ku kacay mudada uu xafiiska joogo, waxaana ku nafwaayey askar Soomaali ah oo ilaalo ka ahaa xarunta Xisbiga Wadajir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Banaanax ka dhacaya Muqdisho oo sababi kara kacdoon shacab

Xiisaddan siyaasadeed ee ka taan Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli aad u xasaasi ah, iyadoo maalinta berri ah oo ay bishu tahay 10-ka May.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 10:43AM

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM