Roobow oo shuruudo hor-dhigay Lafta Gareen oo xabsiga ku booqday

Image

MUQDISHO, Somalia - Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen], ayaa xabsiga ugu tegay Mukhtaar Roobow, kaasi oo bishii December ay xukuumadda Khayre kasoo afduubtay Baydhabo si ay doorashada uga reebto.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Lafta Gareen iyo Abuu Mansuur kulankooda oo ka qabsoomay xabsiga Habar Khadiij oo ay maamusho NISA uu ahaa mid aysan cidna ku wehlin, taasi oo adkeyneysa in la helo xogta saxda ah.

Illo wareedyo ku dhow hogaamiyaha maamul goboleedka KGS ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, in Lafta Gareen uu Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab "si cad raali gelin uga siiyay dhibaatadii ay Villa Somaliau geysatay".

Lama ogga hadii mid kamid ah aas-aasayaashii xoogaga cilaaqaadka la leh Al-Qaacida uu si dhab ah u ogolaaday, balse, wararka ayaa tibaaxaya inuu hor-dhigay Lafta Gareen shuruudo uu kaga tanaasulay dhibtii loo geystay.

Shuruudaha uu Mukhtaar u soo dhiibay Lafta Gareen ayaa la fahansan yahay inay kamid yihiin; magdhow laga siiyo wixii ku dhacay isaga iyo kooxdii Olalaha la waday, dadkii Baydhabo lagu dilay iyo in la caddeeyo maqaamkiisa siyaasadeed.

Arrimaha cul-culus ee miiska saaran ayaa la rumeysan yahay in ay qayb ka tahay hadii hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab uu baaqi kusii ahaanayo siyaasada ama inuu gabi ahanaba rayid ka noqonayo.

"Roobow wuxuu kaloo soo jeediyay in la qabto shir ay kasoo wada qaybgalaan siyaasiyiinta Koonfur Galbeed…Lafta Gareen wuu ogolaaday in wax kasta oo tabasho ah wadahadal lagu dhameeyo," ayuu yiri Xildhibaan GO u waramay.

Ku dhowaad 10 ruux oo shacab u badan kuwaasi oo uu ku jiro Sharci-dejiye ka tirsan Gollaha Wakiilada KGS ayaa ku geeryooday rabashado maalmo gil-gilay oo ka dhashay xarigii Mukhtaar Roobow.

Fahfaahinada qaarkood ayaa soo jeedinaya in Roobow uu dalbaday in la helo daraf-saddexaad oo u kala dab-qaada, kuwaasi oo dabagal ku sameeya in la fuliyay qodobadii laysla meel-dhigay.

Sikastaba ha ahaatee, Lafta Gareen ayaa la filayaa in qodobadii uu kala soo hadlay Mukhtaar iyo shuruudihii loosoo dhiibay ayaa la rajaynayaa inuu kula laabto Madaxtooyada Somalia si uu meel-marinteeda uga xaajoodoodo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM