Saamileyda siyaasadda Soomaaliya oo loogu baaqay shir deg-deg ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbi siyaasadeedka Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay khudbadii madaxweyne Farmaajo ka jeediyey furitaanka kalfadhga 7aad ee baarlamaanka federaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in hadal-jeedinta ay ka muuqatay "kicin, dhiilo abuur, cabsi gelin, jahwareerka iyo ka dhidig mustaqbal mugdi ah".

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu "isku dayey in uu faan iyo hanjabaad isugu jira ku dahaaro guul darooyinka iyo fashilka hoggaan ee ka soo wajahay ajendeyaashii mudnaanta qaran lahaa iyo waajbaadka maamulkiisa".

Arrimahaas hor-tabinta lahaa waxaa kamid ah; dhismaha ciidamo qaran oo mas'uuliyadda amni kala wareega AMISOM, ciribtirka Al-Shabaab, qabashada doorasho qof iyo cod ah si lamid ah dhameystirka dastuurka iyo wadahadalka Somaliland.

"Madaxweynaha wuxuu khudbadiisa ku dafiray in doorasho raali la isaga yahay oo xilligeeda ku dhacda uu kula heshiiyo saamileyda siyaasadeed ee dalka," ayaa lagu yiri qayb kamid ah war-saxaafadeedka xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir.

Inkasta oo khudbadiisa uu Farmaajo ku sheegay in uu taageersan yahay coddeyn waqtigeeda ku dhacda, Wadajir party ayaa aaminsan "in uu caddeeyay in uusan diyaar u ahayn muddo kororsina doonayo dalkana u dooray masiir mugdi ah".

Ugu dambeyntii, xisbiga ayaa cod dheer wuxuu kusoo jeediyey shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadaan guud ahaan saamileyda siyaasadeed ee dalka "si waddanka loo badbaadiyo dadkana loo samatabixiyo".

Soomaaliya ayaa lugaha la gashay mar-xalad kala guur siyaasadeed oo aysan caddeyn qaabka uu dalka uga bixi doono, waxaana xukuumadda haatan jirta lagu eedeeyay in ay soo xirtay dhamaan albaabadii wadahadalka siyaasiyiinta.

QORAALKA WADAJIR PARTY

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM