Beesha Caalamka oo war kasoo saartey doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah soo saarey war-saxaafadeed ay kaga hadleen arrimaha doorashooyinka dalka iyo warbixintii Xaliima Yareey, ee banaanka soo dhigtay qorshaha madaxda Villa Soomaaliya ee mudo korarsiga.

Qoraalka oo lagu daabacey bogga UNSOM, ayaa mahadcelin loogu jeediyay gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, kadib markii ay Gollaha Shacabka 27-kii bishan ka sheegtay in Soomaaliya aan doorasho ka dhici karin November 2020, iyadoo dalbatay 13 bilood oo dheeraad ah.

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay warbixinta Xaliima Yareey, iyadoo dhanka kale ku baaqey wadahadal isaga yimaadaan saamileyda siyaasadda dalka si ay heshiis mideysan uga gaaraan arrimaha doorashooyinka iyo kuwa kale ee la xiriira mustaqbalka Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu bogaadiyay casuumaadda Farmaajo uu u fidiyay madaxda dowlad goboleedyada ee ku aadan shirka ka dhacaya Muqdisho July 5-8, kaasoo shaki laga qabo inuu baaqdo, maadaama Madaxweynaha uu fulin waayay qodobadii lagu go'aamiyay kulankii Khadka Internet-ka ku yeesheen, oo ahaa in Gollaha Shacabka uu joojiyay doodaha iyo ansixinta shuruucda la xiriirta doorashooyinka, illaa laga isaga imaanayo.

Gollaha Shacabka ayaa meel-mariyay kuraasta gobollada waqooyiga, kuwa haweenka iyo matelaadda Gobolka Banaadir rr Aqalka Sare ee soo socda, iyadoo siyaasiyiin ku tilmaameen in ansixinta shuruucdaas loo maray hab aan dastuuri ahayn.

Xisbiyada Mucaaradka iyo qaar kamida maamullada ayaa ku tilmaamay warbixintii Xaliima Yareey mid lama filaan ah, oo u adeegaysa maamulka Farmaajo, iyagoo ka digay cawaaqibka ka imaan doono, hadii aan doorashadda waqtigeeda lagu qaban, islamarkaana madaxda haatan talada haysa mudo korarsi sameystaan.


War-Saxaafadeedka waxaa soo saarey: African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, iyo United Nations.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM