Saddex hanaan oo loo maray soo badbaadinta Silvia Constanzo Romano

Image

ANKARA, Turkey – Inkastoo aan wali la fahfaahin qaabka loosoo daayey ayna jiraan warar sheegaya in lacag madax-furasho la bixiyey, haddana waxaa leysku raacay saddex hanaan oo loo maray soo badbaadinteeda.

Ku dhowaad 18 bilood oo ay lahayste ahayd, Silvia Constanzo Romano ayaa Sabtidii todobaadkan dib u heshay xorriyadeeda. Axaddii, iyaddoo dhoolacadeyneysa ayay ka degtay dalkeeda Talyaaniga.

Warbaahinta wadankeeda hooyo ayaa aad ugu mashquulay dareeskeeda oo ay ku sifeeyeen "labis Soomaali" maadaama ay xijaabneyd. Qaarkood waxay sheegeen in ay Islaamtay, balse wali iyaddu ma hadlin.

Mas'uuliyiinta Talyaaniga ayaa u mahadceliyey sirdoon shisheeye iyo mukhaabaraadkooda kuwaasoo iska kaashaday sii deynta.

Wakaaladda wararka ee Anadolu Agency ayaa ku warantay in mukhaabaraadka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ay gacan ka geysteen soo badbaadinta Silvia Constanzo Romano kadib codsi ka yimid xukuumadda Roma.

Bishii December ee 2019 ayay ahayd markii Talyaaniga uu codsigaas u gudbiyey Turkiga, sidda uu baahiyey Telefishinka TRT, kaas oo soo bandhigay saddex talaabo oo sirdoonka Turkiga qaadey dalabka Italy kadib.

Talaabada koowaad ayaa lagu waramay in ay ahayd in sirdoonka Turkiga uu u kuur-galay xaaladda Romnano, isla markaana uu xaqiijiyey in ay nooshahay.

Sidda ku xusan warbixinta Tv-gaan fadhigiisu yahay Turkiga, waxaa kadib la howlgeliyey "sirdoon maxali ah" oo baadigoobay meesha rasmi ahaan lagu hayo. Lama caddeyn haddii waqtigaas ay ogaadeen.

Talaabada saddexaad waxaa lagu qeexay in ay kadib howlgal wadajir ah ay qaadeen sirdoonka Soomaaliya, Turkiga iyo Talyaaniga, kaas oo Sabtidii lagu soo badbaadiyey haweenaydan ka shaqeysa samafalka.

"Howlgalka badbaadinta waxaa uu dhacay intii u dhaxeysa 8-9 May," ayaa lagu yiri warbixinta uu tabiyey telefishinka ku hadla afka dowladda Turkiga, oo aanan soo hadal-qaadin wararka ku saabsan in lacag la bixiyey.

Bishii November ee 2018-kii ayay ahayd markii Romano laga watay tuulada Chakama ee koonfur-bari ee Kenya. Tan iyo waqtigaas, ma jirto koox sheegatay qafaalashadaas, balse waxaa aagaas ku xoogan Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM