Safiirka Turkiga oo Khayre iyo Wasiirka Dekadaha la kulmay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yilmaz ayaa Muqdisho kulamo kula yeeshay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Maryan Aweys.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Safaaradda Turkiga ayaa lagau sheegay in Mehmet Yilmaz iyo Khayre ay kawada hadleen mashaariicda horumarineed ee Turkiga uu kawado Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Safiirka ayaa sidoo kale qaabiley Wasiir Maryan Aweys Jaamac, oo uu kala hadlay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha horumarinta Dekadaha iyo Gaadiidka badda.

Shirkad laga leeyahay Turkiga oo Al-Bayrak lagu magacaabo ayaa maamusha Dekadda Muqdisho, oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaja dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee DF, iyadoo uu ka caawiyo kabida miisaaniyadda oo lacago toos ah usoo mariyo safaaradiisa Muqdisho, iyadoo Muqdisho uu ka furtay 2017 saldhig militeri oo lagu tababaro ciidamada xoogga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM