Sanad kadib baarista dilkii Yariisow: Maxaa daaha gedaashiisa ka dhacay?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada ayaanan wali baahin natiijada "baaris dhab ah" oo ay balanqaadey kadib is-miidaamintii lagu dilay gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho oo sanad kaamil ah ay kasoo wareegatay.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] oo dhaawac kasoo gaarey weerarka xafiiskiisa lagula eegtay xilli uu gudoominayey shir todobaadlaha ah ayaa 1-dii August gudaha Qadar ugu dhintay waxyeeladaas.

Ugu yaraan tobban ruux oo uu kamid yahay Eng Yariisow, saddex gudoomiye degmo, laba taliye, 1 agaasime guud iyo saddex agaasime waaxeed ayaa ku nafwaayey falkaas, 12-kana way ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka ayaa xustay in bartilmaameedka uu ahaa James Swan, ergayga Qaramada Midoobay, oo maalintaas booqasho aan lasii shaacin ku tegay gobolka.

Warar dhanka amniga ah ayaa xaqiijinaya in sababta qaraxu u dhici waayey intii diblumaasiga joogay xarunta gobolka ay tahay in ilaaladiisa gaarka ah ay wateen qalab ka hortegaya waxyaabaha qaraxa iyo hubka culus.

Madaxda sarre ee waddanka ayaa Aaska Qaran ee loo sameeyay marxuumka kaga dhawaajiyey in ay u aargudi doonan isla markaana hay'addaha nabad-gelyada ku sameyn doonan baaritaan maxsuulkiisa lasoo bandhigi doono.

Baaritaanka ayaa ka bilowday gudaha xarunta gobolka Banaadir, iyaddoo baareyaasha ay la wareegeen kaamirooyinka qarsoon oo duubay dhamaan waxyaabihii gudaha ka dhacay maalintaas oo qaraxu ku jiro.

Bishii August, wasaaradda amniga gudaha ayaa xustay in qaraxa ay fulisay Basiira Cabdi Maxamed oo agaasime ka ahayd gobolka Banaadir. Basiira waxay ahayd haweenay araga naafo ka ah oo Yariisow shaqaaleysiiyey.

Inkasta oo hadalkaas ay dureen siyaasiyiin iyo khuburo amni, barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da ayaa ogaadey in haweenayda magaceeda saxda ah uu yahay Maryan, xubno ehelkeeda kamid ahna ay Al-Shabaab yihiin.

Gabar caawiye u ahayd Maryan oo magaceeda lagu sheegay Hodan ayaan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigtay. Balse, waxaa la fahansan yahay in ay u baxsatay dhanka degaanada ay gacanta ku hayso kooxda hubeysan.

"Waxbaa la qarinayaa"

Maryan iyo Hodan ayaa la wariyey in ay dhismaha gobolka Banaadir galeen saddex saac kahor inta uusan qaraxu dhicin. Illo amni waxay xaqiijiyeen in maalintaa aanan la marsiin baaritaan dhameystiran.

Dadka duraya fahfaahinta horudhaca ah ee dowladdu kasoo saartay baarista weerarkaas ayaa cuskanaya in ay sixi weyday magacyadda labada haween oo ay ku kala sheegtay "Deggan" iyo "Basiira" taasoo aan waxba ka jirin.

Saraakiil ayaa ka shanqariyey in Eng Yariisow uu bilo kahor qaraxa siiyey Maryan tobban kun oo Doolar markii ay u sheegtay in ay dhakhtar u aadeyso Hindiya. Balse, waxay noqotay been, iyagoo aadey degaanada AlShabaab.

Maxamed Abuukar Islow [Ducaale], wasiirka amniga Soomaaliya oo la isku dayey in wax laga waydiiyey sanad kadib baaritaanka shirqoolkaas, ayaa ka gaabsaday in uu caddeeyo mowqifka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Laba qof oo ka howlgalayey xarunta gobolka Banaadir oo midkood uu yahay agaasime kan kelana uu fanaan yahay ayaa lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo. Fanaanka oo qiraal sameeyay wali maxkamad lama soo taagin.

Jeneraal Yuusuf Siyaad Maxamed [Indha-cadde] ayaa aaminsan in sababta dowladda u soo bandhigi la'dahay natiijada baaritaanka ay tahay "in ay jiraan waxyaabo caddeymo ah oo laga qarinayo indhaha dadweynaha".

Cumar Maxamuud Maxamed, gudoomiyaha iyo duqa lagu bedelay Eng Yariisow, ayaa dabayaaqadii sanadkii hore 2019 wuxuu daaha ka rogay "in uu ka badbaaday shirqool dil oo uu maleegay mas'uul ka tirsan gobolka Banaadir".

Balse ma uusan caddeyn nooca weerarka iyo goorta. Hase ahaatee, wuxuu tilmaamay in shaqsigaas loo gacan-geliyey hay'addaha ammaanka.

Gudaha Soomaaliya, baaritaanada kiisaska xasaasiga ah ee dilalku kamid yihiin ayaa kusoo dhamaada "af-daboolan dahab" markii ay mar-xalado waaweyn lugaha la galaan, taas oo gabaad iyo dhiiragelin u ah "gacan ku dhiigleyaasha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM