Jubbaland oo qabatay sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Taliska Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa Arbacadii magaaladda Kismaayo waxa uu kusoo bandhigay dagaalame ka tirsanaa Al-Shabaab.

Milatariga ayaa tilmaamay in Ibraahim Lugende Maxamed, da'diisa lagu qiyaasay 23-jir, ay gacanta ku dhigeen isaga oo waday "sahan weerar" ay kooxdu qorsheyneysay.

Ibraahim ayaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada federaalka iyo kuwa maamul goboleedka ka sameeyeen tuulada Baar-sanguuni oo duleedka Kismaayo ku taalla.

Maxamed Bedal Maxamed, taliyaha guutada 11aad qeybta 43aad ee ciidamada xooga ayaa sheegay in "xogta ninkaan ay hayeen, taasina ay u suurtogelisay in ay qabtaan".

Sidda laga soo xigtay saraakiisha Ibraahim oo sirdoonka [Amniyaat-ka] Al-Shabaab kamid ahaa ayaa degaanada uu kasoo howlgalay waxaa kamid Kabsuuma.

Isaga oo la hadlayey wariyeyaasha, Al-Shabaab, Ibraahim waxa uu ku dooday in baxsad ahaa, isla markaana uu xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida kasoo goostay.

"Saddex kale oo saaxiibadey ah waa la xiray markaan Amar diido sameynay. Aniga waan kasoo cararay saldhig xabad ayey iigu soo ganeen ma aysan igu dhicin," ayuu sharaxay.

Illo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa ku waramaya in dagaalamahaan uu qeyb ka ahaa kooxdii Al-Shabaab ee duulaanka ku qaadey saldhiga ciidanka Kenya ee degaanka Ceel Cadde, bishii Janaayo 2016-kii.

In ka badan 100 askari oo ciidamada Kenya ah ayay Al-Shabaab duulaankaasi ku dishay wallow kooxdu ay sheegatay tirro intaasi kadib ayna ku qabsatay saanad ciidan oo aad u badan.

"Aniga oo reerka biyo u soo doonay ayaa waxaa i qabtay ciidamada, waxay i dhaheen 'maxaa tahay'? 'Askari ayaan ahay oo Al-Shabaab kasoo baxsaday' ayaan ku iri," ayuu qirtay.

Qabashada sarkaalkan ayaa imaaneysa iyadda oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay soo kordhayeen tirada xubnaha Al-Shabaab ee iska dhiibeysa degaanada Jubbaland si gaar ah gobolada Gedo iyo Jubada Hoose.

Al-Shabaab oo wajaheysa duqeymo kaga imaanaya Mareykanka ayaa haatan gobolada Jubbaland kaga sugan Jubadda Dhexe halkaasoo la rumeysan yahay in ay joogaan hogaankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM