SAWIRRO iyo MUUQAAL ku saabsan Weerarkii Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelleh ayaa fahafaahiyay weerarkii kooxda Al-Shabaab maanta ay ku qaadey xarunta Otto-Otto, oo ay ku shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amniga.

Daahir Maxamuud Geelle, oo Saxaafadda kula hadlayay xafiiskiisa ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen inay mudo gaaban kusoo afjaraan weerarka, islamarkaana ay dileen dhamaan kuwii weerarka kusoo qaadey xarunta.

Wasiirka ayaa xusay in qaraxa 1aad ee ka dhacay banaanka wasaaradda uu geestay khasaarooyin kala duwan, oo uusan tiradooda uusan carabaabin, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaawacyada kuwii wax looga qaban waayo ay dowladda dibada u qaadayso.

Weerarka oo isagu jiray qarax gaari iyo mid toos ah ayaa waxaa uu qaatey ku dhawaad 4 saacadood, iyadoo dabley hubaysan oo lagu qiyaasay illaa 5 ay gudaha u galeen kadibna ay toogteen dhowr xubnoo oo shaqaalaha dowladda katirsanaa.

Ugu yaraan 15 qof, oo Askar shaqaale dowladeed iyo shacab ah ayaa lagu dilay weerarka kaasi oo kooxdii fuliyay la sheegay inay xirnaayeen dareeska Ciidanka, islamarkaana adeegsaday aqoonsiga dowladda. [Halkan ka akhri Warka].

HALKAN HOOS KA DAWAAO SHIRKA JARAA'ID:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM