Senator Farole oo Barlamanka ugu baaqay inay ansixiyaan Wasiirrada Somalia [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Cabdiraxaam Sheekh Maxamed Maxamud Farole oo katirsan Aqalka Sare Barlamaka Somalia, ayaa ka codsaday golaha wakiillada inay ansixiyaan wasiirrada dhawaan uu soo magacaabay Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre.

Senator Farole ayaa isagoo ku sugan waddanka Australia, Radio Garowe u sheegay in golaha Barlamanka looga baahanyahay sidii ay u meel marin lahaayeen xukuumaddan oo waqtigeedu kusoo aaday xilli dalka Somalia ka jiraan xaalado adag oo isugu jira abaaro iyo colaado.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabada qaar kamid ah mudanayaasha Barlamanka Somalia ku dhaqaaqeen isagoo ku macneeyay arrin aan loo baahnayn islamarkaana wax u dhimaysa rajada shacabka.

Xildhibaanka ayaa golaha ku booriyay inay qaataan tallaabadii ay ku doorteen Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ku ansixiyeen Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre, wuxuuna ku waaniyay inay ka tanaasulaan sheegashada aan qiimaha badan ku fadhin.

Mar uu ka hadlay tabashooyinka Xildhibaanadu qabaan ee ku aadan inaan soo xulista wasiirrada loo marin nidaamka wax ku qabsiga beelaha, wuxuu Farole khalad ku tilmaamay in habkaas kala qaybiyay shacabka Somaliyeed gun-dhig looga dhigo dhaliilaha loo jeedinay wasiirrada Somalia.

“Dastuurku wuxuu qorayaa in qofka lagu doorto kartidiisa, aqoontiisa iyo waxqabadkiisa, balse ma qorayo in lagusoo xulo 4.5,” Ayuu yiri Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa aqalka hoose uga digay inay waddanka fowdo galiyaan islamarkaana ku cayaaraan shaqada qaranka, isagoo sheegay inuu isagu katirsanyahay aqalka sare, waajibna ka saaranyahay maslaxadda umadda iyo tan waddanka.

“Aqalka hoose ayaan si gaar ah ula hadlayaa, anigu waxaan kamid ahay aqalka sare, wadajir waan u codayn karnaa, kala gaarna waan u codayn karnaa, laakiin sidii hore ma jirayso hadii aad ku cayaartaan sharafta dalka, hade ogaada aqalka sare xil baa saarnaanaya, yaan dadka faraha la isu galin oo shaqada dalka lagu cayaarin,” Ayuu hadalkiisa ku daray mudane Farole.

Mudanayaasha ayuu sheegay inay fursad siiyaan wasiirrada oo qiimeeyaan shaqadooda islamarkaana wixii khaldama dib la isaga yimaado si loo saxo, balse muhiimaddu aysan ahayn in nidaamka hadda socda wax loo maro.

Hadalka Farole, ayaa kusoo aaday Xilli guddoomiyaha golaha Aqalka Sare uu isna codsaday in la meel-mariyo xukuumadda cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM