Shaqsi Miino ku dhejiyey gaari qarxay oo lagu qabtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ku qabtay ruux Miino ku dhejiyay gaari kahor inta uusan qarxin.

Gaariga ayaa ku qarxay nawaaxiga Shineemo Soomaaliya oo ku dhow dhowr mitir u jirta huteelka caanka ah ee Maka Al Mukarama ee magaaladda caasimada ah.

Ma jirto wax khasaaro ah dhimasho ama dhaawac oo ka dhashay qaraxa marka laga reebo in isla gaariga uu soo gaarey burbur xoogan, wallow aanan wali la ogayn shaqsiga isla leh baabuurka.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal, shacab arkay ninka in uu Miino ku rakibayo gaariga ayaa ku war-geliyey hay'addaha amaanka oo isla markiiba goobta yimid.

Ninka la tuhunsan yahay oo ay wateen xoogaga dowladda oo su'aallo lagu waydiinayaa xarunta dambi baarista ayaa waxaa la filayaa in maxkamad lasoo taago.

Dhanka kale, laamaha amaanka ayaa waxay isgoyska Bakaaraha waxay ku toogteen ruux dhaawacmay askari ka tirsan Booliska, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Illo wareedyo ayaa tilmaamaya in qof kale oo looga shakisan yahay in uu Al-Shabaab yahay oo la socday ruuxa la toogtay uu goobta ka baxsaday, laguna raad-joogo.

Illaa iyo haatan Taliska Booliska wax war ah kama uusan soo saarin falalkaan saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaala madaxda wadanka leh xeebta aduunka ugu dheer.

Talaadadii, weerar Is-miidaamin oo Al-Shabaab ku ekeeyay xarunta degmada Warta Nabadda ayaa lagu khaarijiyey afar ruux xili ay ku dhaawacmeen 9 kale oo uu ku jiro xoghayihii degmadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM

Xasan Sheekh oo sheegay in tallaabo militari ay suurtagal tahay inuu ka qaado Somaliland

Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in wadahadalka iyo xal siyaasadeedku ay yihiin ikhtiyaarka koowaad ee dowladda.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:55PM