Shariif oo bogaadiyey guddiga isu keenista dowlada iyo maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa soo dhaweeyay magacaabida gudiga isu keenista madaxda dowlada iyo maamulada.

Guddigaan oo uu magacaabay afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ayaa ka kooban sagaal xubnood, waxaana mudda xileedkeedu ku dhamaanayaa marka laga heshiiyo arrimaha doorashadda soo aadan.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay baraha bulshadda ayuu sidoo kale Shariif ku bogaadiyey shir laga yeesho arrimaha coddeynta 2020-21.

"Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka," ayuu yiri.

Wadaxaajoodyadda ayaa lagu waddaa in ay dhacaan kahor 25-ka bishaan June oo ah maalmo kahor inta guddiga doorashooyinka hortagin xeer-dejinta.

"Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah," ayuu hadalkiisa ku daray Shariif.

Iyaddoo maamuladda dalka qaarkood, xisbiyadda mucaaradka iyo dowladda Mareykanka ay soo dhaweeyeen dedaaladda Aqalka Sarre, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaanan wali ka jawaabin baaq Golaha Senate-ka.

"Waxaan ka rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbalka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo," ayuu Sheekh Shariif kusoo gabagabeeyay fariin qoraaleedkiisa.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa shaki "maadaama dowladda ku fashilantay fulinta halbeegyaddii lagu aadi lahaa coddeyntaas aadka muhiimka u ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM