Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Mareykanka oo wada hadalo yeeshay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Mareykanka, Donald Yamamoto ayaa wada hadalo ku yeeshay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka labadda dhinac ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan siyaasadda iyo doorashooyinka soo aadan.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ay Twitter-ka ku baahisay ku shaacisay ay isla qaateen "inay waajib tahay in laga wada shaqeeyo mustaqbalka Soomaaliya". Ma carabaabin qodobo ay isla afgarteen.

"Safaaradda Mareykanka waxay ku dhiirogelineysaa in ay lasii wado iskaashiga u dhaxeeya dhamaan saamileyda si loo abuuro xaalado horseedaya doorashooyin xor ah, cadaalad ah oo waqtigeeda ku dhaca".

Shariif ayaa wuxuu haatan yahay hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix xisbi siyaasadeed oo u diiwaan-gishan Guddiga Doorashooyinka.

"Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado," ayuu Shariif kusoo qoray Facebook-ga

Doorashadda Soomaaliya ee soo aadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay noqoto qof iyo cod ah, wallow aan lagu heshiin nidaamka.

Guddiga diyaarinaya Sharciga Doorashooyinka ayaa dhowaan soo jeediyey nidaamka Aqlabiyadda ama Horeeyaa Guuleysta. Baarlamaanka federaalka ayaa gaaraya go’aanka ugu dambeeya ee nidaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM