Sheekh Shariif oo mowqif adag iska taagay wadahadalka Al-Shabaab

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu gebi ahaanba kasoo horjeestay aragtida ku aadan in wadahadal lala galo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sheekh Shaarif Axmed, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, oo maanta la daahfuray, ayaa shaaciyay in kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay "canshuur ka qaadato dekada magaalada Muqdisho."

"Ma garan karo sida loola heshiin karo Al-Shabaabka dekada Muqdisho canshuurta la qaadata," ayuu ka yiri munaasabada, isaga oo raaciyay "Waa in la sameeyo hay’addo amni oo ay ka cabsadaan Shabaab."

Dowladii ku meel gaarka ahayd ee uu majaraha u hayey Shariif ayaa waxa ay ku guuleystay in kooxda argagixisada ah uu ka riixdo magaalada Muqdisho iyadda oo garab ka helaysa howlgalka midowga Afrika.

Shariif ayaa kahor inta uusan madaxwayne ka noqon Soomaaliya waxa uu madax u ahaa Midowgii Maxakiimta oo markii dambe laba garab u kala jabay Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, oo kolkii dambe burburay.

Hadalka Sheekh Shariif ee ku aadan gorgortan lala galo Al-Shabaab ayaa dharbaaxo ku noqonaya madaxwayne Farmaajo oo dhowaan xusay in dowladiisu diyaar u tahay in ay miiska wadaxaajoodka la fariisato kooxdaasi.

Geesta kale, Sheekh Shariif ayaa ku dhaliilay xukuumada Farmaajo dul-daloola dhinacyada amniga, siyaasadda arrimaha dibada iyo cilaaqaadka kala dhaxeeya maamulada oo ah mid liita.

"Dowlada waxaan diyaar u nahay in aan wax kasta kala shaqeeno … madaxwayne Farmaajo waxaan ugu baaqeynaa in uu dib u bilaabo wadahalka maamulada oo uu balanqaaday shirkii Garowe," ayuu raaciyey.

Xiriirka dowlada iyo maamulada xubnaha ka ah ayaa hakad ku jiray tan iyo bishii September iyada eeda ugu badan dusha laga saarey madaxtooyada. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa codkiisa ku xoojiyay walaac ay siyaasiyiin badan qabaan oo ku aadan in maamulka Farmaajo ay xusul-duub ugu jirto in ay burburiyo nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay.

"Aniga markii aan ka imid Maxkamadaha Islaalmiga … dowladii Cabdullaahi Yuusuf waxaan kula heshiinay federaalka, marna kama leexan, hadii la doonayo in la bedelo waa in la isku yimaadaa oo laga wada hadlaa," ayuu ku daray.

Sidda laga soo xigtay Sheekh Shariif, Maxkamadaha Islaamiga aragtidooda waxay ahayd "in dalka uusanu fiicneen Federaalka," wallow uusan shaacin sida uu saaxiibadii aragtiidaasi uga weeciyay.

Mar uu soo qaaday wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ayuu welwel ka muujiyay in aanu wali bilaaban, isaga oo ku tartarsiiyay dowlada in ay ka shaqeso arrinkaasi.

Gabagabadii, Sheekh Shariif ayaa dalbaday in la sameeyo dib-u-heshiisiin guud oo Umadda Soomaaliyeed isku cafineyso si loo helo dowladnimo mustaqbalka dhow, isla markaana qaranka horumar u sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM