Shir ka dhan ah Shabaab oo ka furmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa maanya oo sabti ah waxa uu ka furmay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulankan oo ay ka qeybgalayaan Saraakiil AMISOM, Xildhibaanno iyo Wasiirro ka socda dowladda Federaalka, ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yariisow, ayaa Warfidiyeenka u sheegay in ujeedka shirka uu yahay in la dejiyo qorshe cusub, oo lagu soo afjarayo dagaalka lagu jiro Al Shabaab.

Eng Yariisow ayaa tilmaamay in Shirka sidoo kale dib loogu eegayo waxyaabihii ka qabsoomey go'aanadii kasoo baxay Shirkii Soomaaliya loogu qabtey magaalada London, ee bishii May aynu kasoo gudubnay.

Wasiirka wuxuu sidoo kale xusay in dowladda Sweden ay qaadatey doorka hogaamineed ee taageerada Beesha Caalamka, ee Soomaaliya looga gacan siinayo qorshaha dhanka soo celinta amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM