​Shir wali u socda madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHU- Waxaa wali kasocda magalada Muqdishu Caasumadda Somalia, kulamadii u dhaxeeyay madaxda dalka iyo maamul goboleedyada, oo ka arrinsayay arrimaha doorashada waddanka ka dhacaysa dabayaaqada 2016.

Shirka oo qurshuhu ahaa in maanta 30 May, 2016 lasoo xiro ayaa dib u dhacay, kadib markii la isku mari waayay qodobada qaybtood.

Arrimaha ugu xooggan ee  maanta laga wada hadlyay ayaa ahaa maqaamka caasumadda iyo qoondada uu yeelanayo gobolka Banaadir, waxaana si weyn la isugu fahmi uu ka heli doono aqalka sare iyo qaabka loo siinayo.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland, ayaa arrintaasi aad uga biyo diidanaa, waxaana wali aan hirgalin soo jeedin dhawr ah oo la damcay in loo maareeyo xubnaha gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale adkaatay in la cadeeyo xubnaha halka ay ka imaanayaan maadama hishiiskii hore ee aqalka sare uu dhigayay 54 xubnood, ballantuna ahayd inaan waxba laga badalin, waana tan keentay in shirku dib uga dhaco waqtigii lasoo gaba gabayn lahaa.

Warar laga helayo ilo ka agdhawaa shirarkii maanta ka dhacayay Villa Somalia, ayaa sheegaya gobolka banaadir la sheegay in la siinayo Lix xubnood, balse la isku fahmi la'yahay qaabka xubnahaasi loogu dabaqi doono hishiiskii hore.

Kulan caawa ka dhacay madaxtooyada Somalia, ayaan jirin wax is afgarad ah oo kasoo baxay, balse waxaa loo ballamay shirar kale in barri 31 May, la dhammaystiro arrimaha dhiman.

Shirkan ayaa noqon doono kii ugu dambeeyay madasha wadatashiga Qaran, waxaana gaba gabadiisa laga soo saari doonaa war-murtiyeed lagu cadeeyay arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan doorashadu qaabka ay u dhacayso iyo sidoo kale halka ay ka qabsoomi doonto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM