Shirka Jabuuti oo laga digay "loogu marmarsiyoodo baajinta doorashada"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shir-madaxeedka madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ku yeelanayaan Jabuuti "ma noqon karo marmarsiyo lagu baajiyo doorashadda", sidda uu ka digay Senator ka tirsan Aqalka Sarre.

Doorashooyinka qorshuhu yahay in ay dalka ka dhacaan 2020-21 ayaanan wali lagu heshiin. Xukuumadda federaalka waxay wajaheysaa eedeymo ay kamid tahay in ay ka cagajiideyso wadahadalo ay saamileyda la gasho.

Coddeynta ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto hal qof iyo hal cod, balse waxaa laga muujiyey shaki kadib markii dowlada ku guuldareystay hirgelinta halbeegyadii lagu aadi lahaa sidda; amniga oo aan sugneyn iyo shuruucda.

Ilyaas Cali Xasan, gudoomiyaha guddiga kheyraadka Senate-ka, ayaa sheegay "in uu ku farax-san yahay" wadahadalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi "balse aysan wax weyn ahayn".

"Waa farxad in aan maqlo kulanka la qorsheeyay ee udhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi balse ma ahan markii ugu horeysay oo dhinacyadda ay kulmaan, waxaana horey Jabuuti ugu wada kulmay dhamaan afarta hogaamiye iyagoo ka wada hadlay mushaakilka siyaasadeed," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga Himilo Qaran ayaa xoojiyey ahmiyadda ay leedahay in Farmaajo xaliyo khilaafyadda kala dhaxeeya maamul goboleedyadda kahor inta uusan bilaabin wada-xaajoodyada Somaliland.

"Waxaan rajeynayaan in kulanka uusan noqon marmarisyo dib loogu dhigo doorashadda. Mana ka dhigna in meesha laga saaro soojeedinta Aqalka Sarre ee ah in dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ay wehliyaan daneeyeyaasha ay wadatashi yeeshaan. Qofkii xaliya mashaakilkiisa ayaa si dhab ah u caawiya dadka kale," ayuu hoosta ka xariiqay.

Sharci-dejiyaha ayaa su'aal ka keenay haddii "garashadda" hogaanka Villa Soomaaliya ee dib-u-bilaabada wadahadalka Somaliland ay tahay mid ku timid cadaadiska dalal shisheeye ama go'aan ay iyagu shaqsiyan qaateen.

"Waxaa cajiib ila noqotay in Villa Soomaaliya ay ugu dambeyntii xaqiiqsadeen baahida loo qabo in ay la hadlaan Somaliland kadib saddex sano iyo bar oo waqti lumis ah. Muhiimadda waxay tahay in la ogaado hadii ay iyago go'aansadeen ama in uu ku yimid cadaadis dibadda ah," ayuu raaciyay.

Inkasta oo ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu soo agaasimay shirka isla markaana Mareykanka korjoogto ka yahay, madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shaaciyey in uu isaga u kala dab-qaadayo.

Maadaama aanan lasoo bandhigin ajendaha shirka, lama ogga sidda uu noqon doono maxsuulkiisa. Wada-xaajoodyaddii horey uga dhacay dalal ay Jabuuti kamid tahay ayaanan noqon kuwa ay kasoo baxeen go'aano mirodhal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM