Shirka Kismaayo oo dibadda soo dhigay khilaafka u dhaxeeya xukuumadda iyo dawlad goboleedyada

Soomaliya
By BBC

Hal sano iyo barkii ay jirtay Dowladda Dhexe ee Federaalka waxaa soo baxayay khilaafyo isdabajoog ah oo u dhaxeeya Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, Tusaale cad waxaa u ah khilaafkaasi shirka Kismaayo ka socda iyo hadallada laga sheegay. Wallow wax walba oo shirka Kismaayo laga sheegay aysan Dowladda Dhexe waxba ka dhihin.

Khilaafka halkuu ka billowday?

Ismariwaaga ugu weyn waxuu bilowday markii lala kala saftay dowladdaha Imaaraadka iyo Qadar.

Imaaraadka ayaa dad badan aaminsan yihiin inay xoojinayso Maamul Goboleedyada, halka madaxda Maamul Goboleedyadana ay Dowladda Dhexe ku eedaynayaan inaysan dhexdhexeed ka ahayn khilaafka wadammada Khaliijka.

Shirka Kismaayo

Maalmahan waxaa magaaladda Kismaayo ka socda shir ay leeyihiin gole ay samaysteen Maamul Goboleedyada oo lagu magacaabo Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada. Waa shirkii labaad oo noociisa ah oo ay qabsadaan.

Balse shirkan wuu ka kulul yahay siyaasad ahaan shirkii hore, wuxuuna sii fogeeyey xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Ibraahim Bursaliid waa khabiir ka faallooda arrimaha gobolka

'Waxa Kismaayo kasocda waa qas la rabo in lagu ragaadiyo xukuumada dhexe, qolayaha Muqdisho joogana malaa'ig ma ahan.waxyaabaha socdan waxay kasoo jeedaan isfaham la'aan waayahanba u dhaxaysa labada dhinac," ayuu yiri Ibraahim Bursaliid oo ah khabiir ka faallooda arrimaha gobolka oo ka hadlay shirka Kismaayo.

Doorashooyinka ku soo socda Dowlad Goboleedyadda

Saddex Maamul Goboleed ayaa doorashooyin galaya 11ka bilood ee soo socda, waa Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland

Qaar ka mid ah madaxda maamuladan ayaa u arka in Dowladda Dhexe aysan doonaynin inay kursiga ku soo laabtaan.

Eedahan dowladda Dhexe kama aysan hadlin balse waxaa jirta in ugu yaraan ay xukuumada dhexe rabto in madaxda qaar la badalo.

Dagaalka Alshabaab

Khilaafaadka socda ayaa waxay keeneen in dagaalka Alshabaab lagu jiro laga guul gaari waayo, quburada arrimaha Soomaaliya faaqida ayaa aaminsan in wadasocosho la'aanta madaxda Soomalida ay sii xoojinayso jiritaanka Alshabaab.

Ciidammada iskudhaf ah iyo waliba helista tasiilaadka ay u baahan yihiin ayaa iyana ah amuur muran weyn keentay.

"Muhimada ugu weyn ka imanaysaa in maamul Goboleedyada latashi lagala sameeyo sida dastuurka ku qoran, laakiin waxaad moodaa inay la tashigaasi u fasiranayaan inay wax walba la walaaqdaan xukuumada , halka xukuumadana aysan xuduudaha oo dhan ka talinin waxay rabaana aysan samayn kari', taasoo u muuqata in Maamul Goboleedyada ay ka faa'iidaysanayaan taagdarrida dowladda," ayuu yiri Ibraahim Bursaliid oo la hadlay BBC.

Dhamaystirka Dastuurka iyo doorasho qof iyo cod ah

Arimaha walwalka laga qabo waxaa ka mid ah dhamaytirka dastuurka dalka iyo in afti dadweyne loo qaado, welina waxaa muuqata in aanan aragti isku mid ah laga lahayn dastuurka uu wadatashigiisu weli socdo.

Doorasho qof iyo cod ah in la qaban karo ayaa iyana ah qodob qof walba oo Soomaali ah ku taagan.

Welina ma muuqato saansaan muujinaysa in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Maxaa looga gudbi karaa isqabqabsiga?

"Arrinta ugu muhiimsan waxaa weyaan in gogol qaran la dhigo oo xukuumada ay horsed ka tahay maamuladana ay ku qancaan Muqdishana la isugu tago lagana gorgortamo waxa u danta ah dalka, sidaasna lagu yimaado qorshe dib udhis iyo horumarin la wada leeyahay waxkastoo la isku hayana lagaga wadahadlo oo laga heshiiyo" ayuu yiri Ibraahim Bursaliid oo BBC su'aashaasi uga jawaabaya.

Muranka Qodobada dastuurka ku qoran ee arrimaha Federaalka

Dad badan ayaa murannada taagan u sababeeya inuu yahay qodobbada dastuurka ku qoran oo aanan la isku fahamsanayn.

Tusaale ahaan wadashaqaynta Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ayaa siyaabo kala duwan loo fasiraa.

Dastuurka ayaa qodobadiisa 50-aad iyo 51-aad waxay qeexayaan Mabaadii'da Federaalka ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo xiriirka Iskaashiga heerarka Dowladaha jamhuuriyada Federaalka.

Xigasho: BBC

Wararkii ugu dambeeyey