Siyaasiyiin si adag uga hadlay dadkii lagu laayey Gaalkacyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa ka fal-celiyey dadkii lagu xasuuqay koonfurta magaaladda Gaalkacyo, habeenimadii Jimcaha, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Dadkaasi oo tiradooda ay gaareysay Sagaal kana soo jeeda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxaa dilkooda ka dambeeyay maleyshiyaad hubeysan oo si wadajir ah rasaas ooda uga qaaday.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in shaqsiyaadkaasi loo xasuuqey markii sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Galmudug oo lagu magacaabo Cali Dhiif ay dabley hubeysan dishay.

Laamaha amaanka maamulka Xaaf illaa iyo haatan wax war ah kama uusan soo saarin dhacdadani oo ay "musiibo" ku tilmaameen dadka Gaalkacyo oo codsaday in cadaalada lasoo taago dadki ka dambeeyay".

Siyaasiyiinta ka fal-celisay xasuuqan oo qaarkood degaanada Galmudug kasoo jeeda ayaa sheegay in ay si kulul u cambaareynayaa iyaga oo dalbaday in "talaabo adag laga qaado xubnihii ku lugta lahaa".

Xasan Sheekh Maxamuud: "Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba.

Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: "Waxaan si xoog leh u canbaaraynayaa falka foosha xun ee argagexa leh ee xalay Gaalkacyo ka dhacay. Galmudug iyo deegaanka Gaalkacyo waa ku ceeb in dad rayad ah oo aan danbi lahayn, cid ay wax ka galabsadeenna jirin, noloshooda caadiga ahna si degan oo dabiici ah u watay, malo weliba haybsooc ah lagu laayo.

Dadkaasu waxay isku haleeyeen masuuliyida maamulka iyo dadnimada shacabka deegaanka, jawaabta ay maamulka iyo shacabku ka bixiyaan falkaas argagaxa iyo arxan darida leh ayaa laga arki doonaa in ay isku halayntoodu sax ahayd iyo in kale. Shacab iyo maamulba waa in falcelin isku mid ah laga sameeyo, meelna looga soo wada jeestaa, degdegna cadaalada loo horkeenaa kuwii falkaa arxan darida ah ku kacay. Allaha u naxariisto dadkii rayadka ahaa ee xaq darida lagu laayeey iyo sarkaalkii hay’ada Nabadsugida ka tirsanaa ee la dilay. Sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen.

Mahad Salaad: "Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Cali Dhiif oo ahaa sarkaal katirsan ciidanka Nabad Sugida Galmudug oo kooxo hubaysani caawa ku dileen magaalada Gaalkacyo. Naxariistii Jano Alle haka waraabiyo. Eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Aamiin.

Waxaa sidoo kale canbaareynayaa falka foosha xun ee lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxaba galabsan ee hayb ahaan lala xariiriyay dilka sarkaalka. Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen. Naxariistii Jano Alle haka waraabiyo. Samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Aamiin.

Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Galmudug in ay arintaas tilaabo deg deg ah ka qaadaan. Sharciga la horkeeno dadkii xasuuqaas geystay iyo kuwiii dilay sarkaalkaba. Lana mariyo ciqaabta ay mudanyihiin.

Cabdikariim Xuseen Guuleed: "Alaha u naxariisto marxuum Cali Dhiif oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugidda oo caawa gacan ka xaq darani ay ku dishay magaalada Gaalkacyo, sabar iyo iimaan rabi ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Sikastaba ha ahaatee, waa falkii labaad oo muddo todobaad gudihiisa degaanada Galmudug lagula kaco dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya iyadda oo afar rayid ah sidan oo kale lagu khaarijiyey duleedka Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM