Somalia halgan ugu jirta soo afjarida Shuruudo IMF hordhigtay

Image

MUQDISHO, Somalia - Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa soo dhaweysay go'aanka Midowga Africa uu ku taageeray dedaallada ay Xukuumadda Muqdisho ku dooneyso in looga cafiyo deymaha caalamka looga leeyahay.

Barnaamijka Deyn cafinta ayaa muhiim u ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, maadaama ay kahor istaagan tahay in beesha caalamka ay siiso Somalia taageero dhaqaale.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa sheegay in nabada dalka iyo horumarkiisa ay ku xiran tahay inuu helo maalgelin caalami ah, iyo inay xiriir wadashaqeyn la yeesho hay'adaha maaliyadeed ee dibadda.

"Go'aankan Midogwa Africa wuxuu ka tarjumayaa wadashaqeynta iyo taageeradda dalalka bah-wadaagta ee ku jira Ururka ka dhaxeysa," ayuu Wasiir Cawad ku yiri war-saxaafadeed uu soo saarey.

Cawad ayaa xusay in dalkan ku yaalla Geeska Africa uu si adag uga shaqeynayo inuu sameeyo isbedel dhanka maaliyadda, si uu ugu guuleysto kalsoonida caalamka, loogana cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Somalia ayaa lagu leeyahay $6.4 billion [Lix Bilyan iyo Afar boqol oo kun oo milyan oo doolar] taasoo dowladda Federaalka ay hadda ka shaqeynayso in la cafiyo.

Sida ay sheegeen khubaradda dhaqaalaha, argagaxisada ayaa ka dhigtay Somalia dalka ugu amniga xun, sidoo kalena ugu hooseeya dhanka horumarka wadamada ka hooseeya Saxaraha [Sub-Saharan Africa].

Horaantii 2018, hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa balan qaadey inay ahmiyadda koowaad siinayso deyn cafinta, iyadoo sheegtay in dedaallo badan ay sameysay dowladda Somalia oo ku aadan hanaanka.

Somalia hadda lacag deyn ah kama qaadan karto IMF, iyadoo aysan bixin ama laga cafin deyntii hore oo gaareysa ku dhawaad $5 billion, taasoo lagu yeeshay wadanka wixii ka dambeeyay burburkii dalka.

Dowladda Federalka ayaa looga fadhiyaa inay ku qanciso IMF in deyntii hore laga cafiyo dalka, waxaana arintan go'aan ka gaari doona gudiga maamulka hay'addan, oo u kuur-gal ku sameynaya Isbedelka ay Xukuumadda Somalia ku sameyso maamulkeeda maaliyadeed iyo kobcinta dakhliga gudaha.

Villa Somalia ayaa billowday in Midowga Africa iyo Ururada Somalia ay ku jirto la kaashato sidii deynta looga cafin lahaa dalka, waxaana barnaamijkan uu yahay mid aan sahlayneyn oo u baahan in loo maro wado dheer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM