​Somalia oo lagu soo darin dalalka Dadkooda Visa la'aanta ku tagayaan Qatar

Image

DOHA, Somalia - Dowladda Qatar ayaan Somalia kusoo darin Liiska dalal ay muwaadniintooda Visa la'aan ku galaan dalkeeda, xilli Dowladda Federaalka ay taageertay markii Khiliijka xiriirka u jareen.

Wakaaladda Wararka Doha News ayaa shaacisay in 80 dal, oo aan ku jirin Somalia ay VISA la'aan dadkooda tagi karaan Qatar, islamarkaana ay ku noolaan karaan inta u dhaxaysa Bil illaa Lix bilood.

Hassan al-Ibrahim, oo ah Madaxa Waaxda Dalxiiska Qatar ayaa sheegay in tallaaban looga golleeyahay in dalkaasi noqdo mid u furan caalamka, si uu uga maarmo go'aaminta Sacuudiga iyo Xulufadiisa saareen June 5.

Muwaaniniinta 33-da dal ee hoos kuu xusan ayay Qatar sheegtay in Visa lagu siinayo markii ay kasoo degaan Garoonka Diyaaradaha ee Doha, taasi oo u shaqeynaysa mudo 180 maalmood, laga billaabo maalinta ay helaan.

1. Austria

2. Bahamas

3. Belgium

4. Bulgaria

5. Croatia

6. Cyprus

7. Czech Republic

8. Denmark

9. Estonia

10. Finland

11. France    12. Germany

13. Greece

14. Hungary

15. Iceland

16. Italy

17. Latvia

18. Liechtenstein

19. Lithuania

20. Luxembourg

21. Malta

22. Netherlands

23. Norway

24. Poland

25. Portugal

26. Romania

27. Seychelles

28. Slovakia

29. Slovenia

30. Spain

31. Sweden

32. Switzerland

33. Turkey

Sidoo kale, Muwaadiniinta 47-da dal ee hoos ku xusan waxay loogama baahna inay Visa kasoo dalbadaan dalalkooda, waxay ku qaadan karaan karkii ay kasoo dagaan Garoonka Diyaaradaha Qatar, waxayna Fiisaha u shaqeynaysaa mudo 30 maalmood, laga soo billaabo waqtiga ay qaataan.

1. Andorra

2. Argentina

3. Australia

4. Azerbaijan

5. Belarus

6. Bolivia

7. Brazil

8. Brunei

9. Canada

10. Chile

11. China

12. Colombia

13. Costa Rica

14. Cuba

15. Ecuador

16. Georgia    

17. Guyana

18. Hong Kong

19. India

20. Indonesia

21. Ireland

22. Japan

23. Kazakhstan

24. Lebanon

25. Macedonia

26. Malaysia

27. Maldives

28. Mexico

29. Moldova

30. Monaco

31. New Zealand

32. Panama

33. Paraguay

34. Peru

35. Russia

36. San Marino

37. Singapore

38. South Africa

39. South Korea

40. Suriname

41. Thailand

42. Ukraine

43. United Kingdom

44. United States

45. Uruguay

46. Vatican City

47. Venezuela

Qatar ayaa saaran xayiraad dhulka Cirka iyo Badda ah oo ay kusoo rogeen Sacuudiga, Imaaraatka Carabta (UAE), Masar, Bahrain bishiii June 5, kadib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagaxisada.

Doha ayaa iska fogeysay eedayntaasi dalalka Khailiijka.

Somalia ayaa diiday inay xiriirka u jarto Qatar, waxayna dalkaasi u muujisay garab walaaltinimo xilli la go'doomiyay, waxaana ay u ogolaatey Diyaaradaha Qatar Airways inay isticmaalaan Hawada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM