Soomaaliya: Khayre oo Wasiirka Gudaha ka Reebey Gudiga Gurmadka [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Faarax Saciid "Juxa" ka reebay gudi baaraya qaraaxa, oo ka kooban kooban Wasiiro iyo saraakiil kale.

Gudigaan ayaa waxa uu Ra'iisul Wasaare Khayre u xil-saarey la socodka xaaladda dadka dhaawacyadda kala duwan uu ka soo gaaray qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii bishan.

Labada mas'uul ayaa u dhaxeeyay mudooyinkii dambe Khilaaf salka ku haya arrimaha Federaalka iyo xilka qaadistii Xogyahihii Joogtada Wasaarrada arrimaja Gudaha, Yaxye Cali Ibraahim.

Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka ayaa agaasimaha xilka laga qaadey geeyey xafiiskiisa isaga oo madax uga dhigey xafiis lagala socda shaqooyinka wasaarada arrimaha Federaallka iyo Dastuurka kiuwasoo qaabka loo wajahayo muran xoogan ka taagan yahay.

Guddigan oo uu gudoomiye u yahay Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga, ayaa ka shaqeynaya isku-daba-ridka barmaanijka gurmadka ee loo sameyanayo dhibaniyaasha qaraxii Zoobe.

Wasiirada, ku xigeenada iyo wasiiro dowlayaasha guddigaan Ra'isal wasaaraha Soomaaliya u magaacabey ayaa sida warsidaha Garowe online fahansan yahay ka kooban xubnaha fikir ahaan aad iusgu dhow yihiin.

Golaha xukuumada dowlada Federaalka ayaa u qaybsan kooxo kala tageera siyaasadaha hoose ee ka socda xafiiska wasiirka kowaad iyo kuwa fikir madaxa banaan la yimaado lagu sameeyo go'doomin.

Wasiirkii difaaca Cabdirashiid Cabdullaahi ayaa todobaadkii tagey iska-casilay xilka, kadib markii sida wararku ay sheegayaan wada shaqeyn la'aan soo kala dhex-gashey isaga iyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Gudigaan ayaa waxaa sidoo kale ka maqan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Maryan Qaasim Axmad oo iyadu kamid ah mas'uuliyiinta fikirkooda madax banaan yahay iyo Wsaiirka Maaliyada dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Mudane Khayre ayaa maanta booqday xarunta Guddiga Gurmadka Qaranka oo uga warbixiyey Howlaha gargaarka dhaawacyada jiifa Isbitaallada iyo halka ay u marayaan.

LIISKA XUBNAHA RA'ISAL WASAARE KHAYRE U MAGACAABEY HOWLAHA GURMADKA

1-Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga (Guddoomiye)

2-Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaad (Xubin)

3-Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka & Xuquuqal Insaanka (Xubin)

4-Iimaan C/laahi Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (Xubin)

5-C/rixmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & Dalxiska

(Xubin)

6-Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda (Xubin)

7-Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga (Xubin)

8-Mukhtar Mahad Daa’uud Wasiir K/X Arrimaha Dibedda (Xubin)

9-Ibrahim Yarow Isaaq W/K Xigeenka Boostada &Isgarsinta (Xubin)

10-Taabid Cabdi Max’ed G/miyaha G/ Banaadir Ahna Duqa Muqdisho (Xubin)

11-Maxamed Aden Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka &Jin (Xubin)

12-Sheekh Bashiir Axmed Salaad Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

13-Sheekh Cali Wajiis Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

14-Diini Maxamed Diini Bulshada rayidka (Xubin)

15-C/laahi Maxamed Jaamac Shirwac Bulshada rayidka (Xubin)

16-Cabdi Baaruud (Xog-hayn)

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM