Soomaaliya: Farmaajo oo ku Dhawaaqey Baroordiiq, Faahfaahin Qaraxa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa qoraal uu ku faafiyey bartiisa Twitter ku baaqey Sadex maalmood oo baroordiiq ah isagoo sheegey in calanka hoos loo dhigayo muddada lagu jiro murugada.

"Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah, waxaana hoos loo dhigay calanka Jamhuuriyadda".

Madaxda dowlada oo aan warsaxafadeed rasmiya kasoo saarin qaraxa dhacey iyo khasaaraha uu gaystey ayaa barahooda twitter kaga hadlay weerarkaan ka dhacey shaley 14 oct,2017 magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 30 qof halka dhaawacu gaarayo 100.

Ra'isal wasaaraha Soomaaliya oo horey wasiirkiisa amniga ugu faaney in guulo kasoo hoyeen amniga magaalada Muqdisho ayaa bartiisa Twitter tacsi ugu direy dadkii waxyeeladu ku gaadhey qaraxaan isagoo dhinaca kale ugu baaqey in la gargaaro dadka dhibaateysan.

"Shacabka waxaan ka codsanayaa inay u gargaaraan walaalahooda dhibtu kasoo gaartay falkan Argagixisadu usoo maleegtay muwaadiniinta".

Faahfaahin Qaraxa

Qaraxaan oo ka dhacey Isgoyska Zope ee K5 halkaasoo uu ku dhowaa Hotel Safari ayaa dhacey xiili rawaxaad ah oo wadadu mashquul badan aheyd halkaasoo dadweyne badan ku sugnaayeen kuwasoo waxyeelada ugu badan soo gaartey.

Dadweynahaan ayaa waxaa kamid ahaa ardey kasoo rawaxdey Iskuulada kuwasoo la sheegey iney kuwada sugnaayeen Hal Bus.

Gaariga qaraxaan laga soo buuxshey masaamiir iyo biraha shubka ayaa dhimashada ka soo gaartey dadka rayidka ah ayaa 30 qof kor u dhaafaya halka dhaawacu lagu qiyaasey 100 qof.

Hotelka Safari ayaa gabi ahaan burburey halka dhismayaal kale oo ay ku jirto xarunta bisha Cas dhulka la simantey.

Maydadka iyo dhaawaca ayaa qaraxaan kadib waxaa loogu tagey goobo fog fog iyadoo gadiidka gargaarka deg deg awoodi kari waayey ururinta dadka dhibku soo gaarey iyadoo gawaarida shacabka ka qayb qaateen daad gureynta dadkaan.

Magaalada Muqdisho oo xasilooneyd maalmihii ugu dambeeyey ayaa dadka xeel dheerayasha ku ah arimaha amnigu ku tilmaamaan in kooxaha argagixida ah qorsheeyaan qaraxyo noocaan ah marka ay ugu Nabad badan tahay.

Ururka Al Shabaab oo weeraro maalmihii ugu dambeeyey weeraro ka gaysanayey degaanada ku dhow magaalada Muqdisho ayaa maalintii shaley qabsadey 14 Oct, 2017 degaanka Bariire kasoo ku dhow saldhiga Balidoogle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM