Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis lagu dhisayo xarunta Gollaha Shacabka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Turkiga, kaasi oo lagu dhisayo xarunta Gollaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ku kacaya 100 Milyan oo Dollar ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Safiirka Turkiga u fadhiga Soomaaliya, Olgan Bekar.

Hay'adda dhanka Horumarinta u qaabilsan dowladda Turkiga ee TIKA ayaa fulinaysa nashruucan lagu dhisayo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, oo laga dhisayo Dabaq 7 biyaano ka kooban oo hoolal shirar iyo hoy ka kooban.

Mashruucan dhisamaha ayaa qaadan doono mudo shan bilood ah.

Olgan Bekar ayaa munaasabada saxiixa ka sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka taageerayo dib u dhiska dalka, gaar ahaan xaruumaha kala duwan ee dowladda ay ku shaqeyso.

Turkiga oo xariir dhaw kala dhaxeeyo dowladda Qadar ayaa sanadkii tagey saldhiga military oo ballaaran ka furtay magaalada Muqdisho kaasi oo la geeyay Ciidamo u dhashay dalkaasi oo la sheegay inay tababar siinayaan Askarta dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM