Soomaaliya: Jawaari oo Laga Sugayo Go'aanka Mooshinka Laga Keeney

Image

MUQDISHO- Kadib markii Madaxweyne dowladda Soomaaliya soo kala dhexgaley khilaafka u dhexeeyey xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka kaasoo lagu baajiyey fadhigii laga yeelan lahaa 31 March, 2018 mooshinka ka dhanka ahaa Jawaari ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in wadahadalo u socdaan dhinacyada murankaan ka dhexeeyo.

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa wararka waxaa ay sheegayaan in kulankii uu la qaatey Madaxweynaha Soomaaliya uu qabsadey muddo Sadex Cisho ah in wadahadal la galo garabka Xildhibaanada ee isaga taageersan kuwasoo diidan in wax-wadahaddal ah laga galo khilaafka taagan.

Kulanka Guddoonka Barlamanka iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sida warsiddaha Garowe online ogaadey waxaa la isla-qaatey labo qodob in lagu gaari karo khilaafka taagan; 1- In mooshinka taagan ee laga keeney Gudoomiyaha Barlamanka lagu xaliyo sida sharciga qabo lana horgeeyo Barlamanka carqaladd la'aan; iyo 2- in Guddomiye Jawaari is-casilo ka hor madaama xildhibaano gaaraya 200 ka gudbiyeen mooshin xilka looga qaadayo ayna suurtgal aheyn in baajiyo.

Sidoo kale Jawaari oo maalintii shaley waraaq kasoo baxdey xafiiskiisa ku beeniyey inuu is-casilayo ayaa xogaha GO ka heley sheegayaan in ay qoreen xubnaha kale oo tageerayaasha u ah kuwasoo diidan in xal laga gaaro muranka taagan. Halkaan ka akhri 

Wakiilada beesha caalamka oo iyagu kulamo kala duwan la qaatey dhinacayadda khilaafka ka dhexeeyo ayaa wararka kasoo baxaya waxay sheegayaan in Jawaari iyo tageerayaashiisa uga digeen iney xaaladd amni daro ka abuuraan magaalada Muqdisho iyagoo ka muujiyey diidmo baaqyadii maalmihii lasoo dhaafey kasoo baxayey xildhibaanda taageersan Guddoomiyaha Barlamanka kuwasoo ahaa in qalalaasi dhici doono hadii ciidamada amniga ka joojiyaan mudanaayaasha in golaha shacabka lasoo galaan hub.

Mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa soo baxay kadib markii xildhibaano ka tirsan Barlamanka ku eedeeyeen inuu curyaamiyey shaqadii Golaha sharci dajinta taasoo ay ugu horeyso in Dastuurka KMG ah dib u eegis lagu sameeyo si nidaamka Federaalka ah dalka uga hirgalo. 

Dadka khilaafsan siyaasada Guddoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka ayaa aaminsan inuu aad uga soo horjeedo in dalka Soomaaliya ka hirgalo nidaamka Feferaalka.

Xildhibaanadda taageersan Gudoomiye Jawaari oo u badan kuwo mucaaradka ku ah xukuumada Ra'isal wasaare Khayre ayaa iyagu dadaal ugu jira sidii xilkaan ugu hayn lahaayeen afhayeenka Barlamanka kuwasoo leh dano siyaasadeed ee kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM