Soomaaliya: Khasaaraha Qaraxii Zoobe oo kordhay [Tiradii ugu dambaysay]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa la dhaaciyay tiradii ugu dambaysay ee khasaaraha dhimashada Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Xaflad lagu soo xirayay Barnaamijkii Gurmadka ee Masiibadii Zoobe oo ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho, ayaa Saraakiishu waxay xaqiijiyeen in 75 qof oo kale ay kusoo korartay dhimashada Qaraxa.

Tiradii ugu dambaysay ee uu Gudiga Gurmadka Qaran shaaciyay sanadkii tagey ayaa ahayd 512 qof, waxaana hadda ay noqonaysaa marka lagu daro tirada cusub 587 qof, iyadoo dadka dhaawacmay ay gaarayaan ku dhawaad 400.

Gudiga ayaa sheegay in tirada cusub ee 75-ta ruux ay yihiin dad la waysanaa wixii ka dambeeyay qaraxa markii uu dhacay, oo la xaqiijiyay inay dhinteen iyo kuwa kale oo u geeriyooday dhaawacyadii soo gaarey.

Xafladda oo ay kasoo qeybgaleen Mas'uuliyiin ka tirsan labada Golle ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Culimo, Bulshada rayidka, marti sharaf iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa gudiga gurmadka waxa uu sheegay in lasoo gaarsiiyay $4.4 Million.

Deeqdan lacageed ayaa ka kala timid meelo kala duwan, iyadoo Jabuuti iyo Dowladda Federaalka ay ku deeqeen min Hal Milyan oo Doolar, waxaa kaalinta saddexaad gashay Puntland kadib markii Nus Milyan oo Doolar ugu deeqday gurmadka qaraxii Zoobe.

Lacagta kale ayaa ka timid Soomaalida ku nool qurbaha, waxaana uu Gurmadka Qaran sheegay in deeqdan la gaarsiiyay 3,748 qoys oo uu saameeyay qaraxa, kuwaasi oo ay kamid yihiin 2,360 caruur ah oo waalidiintooda ku waayay qaraxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM