Taliyeyaal ciidan oo xilka laga qaaday kadib qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon ayaa shaqadii ka eryay taliyeyaasha degmooyinka Yaaqshiid, Dharkeenley, Howlwadaag iyo Heliwaa, sida uu fahansan yahay warsidaha GO.

Saraakiisha jagada laga xayuubiyay ayaa lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo inay gabeen kaalintooda ku aadaneyd xaqiijinta amniga magaalada caasimadda ah, oo mudooyinkii dambe uu faraha kasii baxayay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Saadaq Joon uu xilkii ka qaaday Taliyihii Saldhiga qaybta Galbeed ee Booliska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble xili GO uu ogaaday in lagu bedalay ku xigeenkiisa, Xundubey.

GO ayaa sidoo kale waxaa loo dusiyay macluumaad ku saabsan in taliyaha saldhhiga degmada Yaaqshiid Khaliif Axmed Maalin [Ilka-case] oo xilka laga qaaday madax looga dhigay Taliye qayb ka tirsan Ciidamada Booliska.

Maalin ayaa ku dhaawacmay 2-dii bishaan November, 2018 Qarax lagula eegtay kolanyo uu hogaaminayay xili ay wadeen howlgal ka dhan ah rag hubeysan oo weerartay Fariisin ay ciidamada ku leeyihiin degmada Heliwaa.

Qayb kamid ah taliyeyaasha xilka qaadis lagu sameeyay ayaa si lamid ah waxaa lagu soo eedeeyay ku tagri fal awoodeed, gaar ahaan inay ku lug-yeesheen boob ka dhan ah dhulal ay leeyihiin dad Rayid ah.

Talaabada uu qaaday taliyaha Booliska ee gobolka Banaadir ayaa imaaneysa xili amniga Muqdisho si wayn looga deyriyay, islamarkaana ay ka dhacayeen falal khal-khal gelinaya nabad-gelyadda magaalo madaxda.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey ahayd markii Qaraxyo lagu weeraray Hoteel Saxafi ee Muqdisho lagu dilay in ka badan 50 ruux, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay, iyadoo weerarkaasi mas'uuliyadiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Saadaq Joon ayaa horey usoo noqday taliyaha Hay’adda NISA ee gobolka Banaadir, balse markii la kala diray ciidamada Xasilinta ayaa xilkaasi si hoose loogu magacaabay, wuxuuna ku dhow yahay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM