Taliyaha Ciidamada oo xaqiijiyey in ay jiraan askar aan mushahar qaadan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Ciidamadda Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta xaqiijiyey in ay jiraan askar ka tirsan xoogga dalka oo aan qaadan mushaharkii ay xaqa u lahaayeen.

Qiraalka taliyaha ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii cutubyo kamid ah milatariga ay gadood ka sameeyeen Muqdisho isla markaana ay hakad geliyeen isu socodka waddooyin gala Madaxtooyada.

Odowaa oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey in dib u dhaca ku yimid bixinta mushaharka askarta qaarkeed ay la xiriirto laba arrimood oo uu ku fahfaahiyey shirkiisa jaraa'id.

Arrinta koowaad ayuu ku qeexay khalad farsamo oo ku yimid diiwaan-gelinta casriga ah xukuumadda federaalka ah ay haatan waddo.

Sidoo kale, qadiyadda labaad ayuu caddeeyay in ay la xiriirto askarta qaarkood aysan marin habkaas, sidaas darteeda ay ku waayeen gunadooda, isagoo ku booriyey in ay soo maraa habraacaas.

"Laakiin, waxaa qalad ah in ciidamaddu sameeyaaeen gadood ama wax u muuqdo gadood, haddii ay cabasho qabaan waa in ay maraan dhaqanka ciidanka oo ay qoraal u diraan hogaankooda," ayuu xusay.

Ciidamada gadoodka sameeyay oo ka tirsan qeybta 17aad ayaa sheegay in ay kasoo baxeen furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe aysana mushahar helin ku dhowaad laba sano.

Sikastaba ha ahaatee, hadalka taliyaha ayaa dhinac-marsan sheegasho dhowaan kasoo yeertay madaxweyne Farmaajo oo la xiriirtay in dowladiisa aysan ku baaqan mushaharka shaqaalaha rasmiga ah iyo ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM