Tobban su'aal oo uu Farmaajo kaga jawaabayo safarkiisa Mareykanka

Image

WASHINGTONG, US – Dowladda Soomaaliya ayaa 9-kii September ku dhawaaqday in uu Farmaajo sanadkan u dhoofayo Mareykanka. Tani waxay imaaneysaa xili madaxweynaha uu wareejiyay dhalashadii labaad ee dalkaas.

Xukuumadda Washington ayaa waxay safka hore uga jirtay wadamada sidda weyn u taakuleeya Soomaaliya, xitaa waa mid kamid ah dalalka ugu badan oo ay dhaqaale siiso.

Farmaajo, oo Mareykanka ku noolaa muddo, ayaa ka qeybgeli doona fadhiga guud ee Qaramadda Midoobay kaasi oo 24-ka bishan qabsoomaya, waana markiisii ugu horeysay.

Hadaba, wargeyska afka dheer ee kasoo baxa Mareykanka, Washington Examiner, ayaa soo bandhigay tobban su'aal oo uu hogaamiyaha dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika uga jawaabi doono safarkan taariikhda u geli doona.

Daahfurnaanta

Maxay tahay sababta aad dib ugu soo celisay dhalashadda Mareykanka? Dakhligaaga waa uu kordhay tan iyo markii ay madaxweynaha noqotay, masoo bandhigi doontaa cadadka aad haysato?

Musuqmaasuqa

Sanad walba waxaa heshaan kaalmo balaayiin dollar oo dibadda ah, dalkuna waxa uu wali ku jiraa liiska ugu musuqa badan aduunka, ma rumeysan tahay taasi ay khalad tahay, hadii ay tahay sababta?

Amniga

Amniga wali waa caqabad hortaala dowladnimada Soomaaliya, masoo bandhigi kartaa meelo aad wax ka qabateen? Dowladda Soomaaliya ma joogteyn kartaa xasilooni amni xili AMISOM ay tageyso?

Xuquuqda Aadanaha

Maamulkaaga waxaa lagu eedeeyaa caburinta mucaaradka, maxaa kaaaga qorsheysan Xuquuqda Aadanaha? Maxayse yihiin arrimaha hortabinta kuu leh ee dhanka ilaalinta Xuquuqul Insaanka?

Safaradda

Madaxweynihii ku bedelay waxaad ku dhaleeceyn jirtay safaro badan, adigu haatan waxaad booqatay dalal kala duwan. Haddaba maxay tahay farqiga idin dhaxeeya, maxaase is-bedelay?

Qadar

Xukuumadaada waxay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya u weecisay dhanka Qadar. Fahad Yaasiin, wariye hore oo Al Jazeera ah, waxaad u dalac-siisay Taliyaha Sirdoonka.

Maxaa ka jira eedeymaha ku aadan in Yaasiin uu hogaamiyo siyaasadda Dooxa ee Soomaaliya. Ma sheegi kartaa hadafyadda Qadar ee Soomaaliya. Ma tirakoobi kartaa kaalmada Qadar?

Turkiga

Turkiga waxaad siiseen saldhig milatari. Mas’uuliyiinta Turkida waxay Muqdisho ka abaabulaan siyaasadooda ku wajahan Afrika. Recep Tayyip Erdoğan isaga oo Muqdisha jooga ayuu sheegay in ay Diinta Islaamka ku faafinayaa Afrika.

Hadaba maku raacsan tahay Erdoğan, Sidee ayuu Turkiga ku helaa lacago badan isaga oo aanan aanan marin nidaamka Hantidhowrka Soomaaliya?

Somaliland

Soomaliland waxay sheegataa madax banaani tan iyo 1991-dii. Walina aqoonsi ma helin. Dowladd Soomaaliya waxay hortaagan in la ictiraafo? Maxay tahay sababta aad doorbideen go'doomin, xalse ma tahay?

Ra’iisul Wasaare Khayre

Bilo kahor ayuu joogay Washington. Guux baa ku jira oo ku aadan in uu isaga ku bedelayo. Arrintaasi maxaa ka jira. Muxuu sharciga Soomaaliya ka qabaa. Adigase maku qanacsan tahay in uu Khayre ku bedelo?

Shidaalka

Kenya waxaad isku haystaa xuduud badeed. Waxay idin ku eedeysanaa xaraashka xirmooyin. Maxaa ka jira arrintaasi. Maxayse u sugi la'yihiin xukunka ICJ. Ma xaqiijin kartaa in maamulkooda Soomaaliya horumar u horseedi doono?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM