Tobban su’aal oo uu Khayre ugu jawaabayo safarkiisa Washington

Image

WASHINGTON, US – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Isniintii booqasho ay uga bilaabatay Washington ayaa la kulmaya madax ka socota Bankiga Aduunka, Waaxda Arrimaha Dibada, Hantidhowrka iyo Sirdoonka Mareykanka.

Safarka Xasan Cali Khayre ayaa muhiim u ah Soomaaliya oo kasoo ah dal kasoo kabanaya colaad kuna tiirsan taageero uga timaada beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo dalal uu Mareykanka ku jiro.

Sidaasi awgeed, warsidaha GO ayaa halkaan kuugu soo gudbinaya maqaal uu wariyaha Michael Rubin ka qoray socdaalka Khayre iyo toban su'aal oo uu Khayre uga jawaabayo madaxda uu la balansan yahay.

Maxay Soomaaliya uga heshaa caalamka taageero badan?

Mareykanka ayaa gaarsiiyay 900 milyan oo dollar kaalamadiisa Soomaaliya kadib sanado uu siinayay 500 milyan. Tani waxay ka dhigan in dowladu ka hesho beesha caalamka taageero xad-dhaaf ah.

Hadaba su’aalugu waxay ku fooraraan halkee ayay xukuumaddu ku bixineysaa oo ay siineysa ahmiyada koowaad. Ma amniga? Maamulka dhulka? Dhaqaalaha? mise Tacliinta?

Maxay u badan yihiin mushaharka laga qaato Muqdisho?

Mushaharka laga qaato Muqdisho waa mid si xad-dhaaf u ah u badan, balse waxaa liidata adeega iyo si wax ku oolnimo ah oo loo shaqeeya, taasi ka hooseysa Somaliland oo si madax banaan u howlgasha.

Hadii mas'uuliyiinta Hargeysa ay howlwahoodu u wataan si gabaabsi ah balse wax xogaa hagaagsan, maxaase u diiday Soomaaliya?

Muxuu yahay qorshaha ku aadan musuq-maasuqa?

Musuq-maasuqa iyo lunsashada kheyraadka waa arin dabiici ka ah Soomaaliya iyada beesha caalamka si joogta ah u sii wado gargaarka taasi oo dalka ka dhalisay macluul daran, oo dalka oo idil saameysay.

Soomaaliya wali waxay safka hore uga jirtaa musuq-maasuqa. Muxuu yahay ficilka illaa iyo haatan oo ay dowladaadu u sameysay yareenta musuq-maasuqa? Imisa wasiir ama caawiyeyaal baa loo eryay wax is-dabamarin?

Muxuu Farmaajo inta badan ugu safraa dibada?

Farmaajo ayaa xafiiska qabtay isaga oo ku dhaliilaya madaxwaynihii ka horeeyay in uu si joogta ah ugu baxo dibada. Laba sano oo xafiiska joogo, socdaalo iskoor ah ayuu dalka uga baxay.

Sababtee ayuu Farmaajo ugu safraa dibada? Miyaysan ahayn shaqada wasaarada arrimaha dibada? Iyada oo uu Farmaajo dibada jiro, yaa qabta shaqooyinka maalin laha ah ee soo celinta dalka?

Miyay Soomaaliya badbaadeysaa kadib bixitaanka AMISOM?

AMISOM kaliya uma joogto Soomaaliya dagaalka Al-Shabaab, balse fursad ayay u siinayaa si ay u dhisato ciidamadeeda. Balse, ciidamada ayaaba ka cabanaya mushaar la’aan xili xoogaga shisheeye bilaabaan ku noqshada dalalkooda.

Soomaaliya oo aan lahayn ciidamo shaqeeya, yaa balanqaadaya in ay helaan xuquuqdooda? Miyaad rajeynaysaa in Soomaaliya ay iska caabiso Al-Shabaab hadii ciidamadu aysan rajeynaynaa in ay dagaalamaan?

Hadii aad dooneyso taageerada Mareykanka, muxuu dalkaagu ugu weecday Shiinaha?

Khayre ayaa ku sugan Washington isaga oo u dalbaya Soomaaliya taageero xili xukuumadiisu ay siisay China oo uu xilfaaltan kala dhaxeeyo Mareykanka, xuquuq kaluumeysi oo biyaha dalka ah.

Miyaa rajeynaysaa in China uu daacad u yahay Soomaaliya? Hadii aysan ahayn, maxay tahay danaha idin kaga jirta? Xagey ku baxaysaa lacagta ka timaada heshiiska Shiinaha?

Maxaad u doorateen in ICJ xukmiso muranka idin kala dhaxeeya Kenya?

Damaca Kenya ee sohdin badeedka, xukuumada Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in Maxkamada Cadaalada Aduunka ay go’aan ka gaarto kiiska, iyada oo diiday in wadahadal lagu dhameeyo arrinta.

Tani ayaa ka dambeysay markii Nairobi ku eedeysay Muqdisho in ay xaraashtay xirmooyin Shidaal oo halkaasi ku jira, eedaymo ay gaashaanka ku dhufatay dowlada haatan ka jirta Soomaaliya.

Ma dhici kartaa in aad ka baxdaan geedi u socodka sharciga? Miyay kasoo horjeedaa dadaalada Kenya ee nabadaynta Soomaaliya?

Maxay Soomaaliya uga murugootaa muranka Israel-Palestine?

Xukuumada ayaa dhowaan u eriday Cabdullaahi Dool, sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibada markii uu xoojiyay in xiriir lala yeesho Yahuuda. Sidoo kale, waxaa dib loogu yeeray Faadumo Cabdullaahi, safiirka Switzerland.

Faadumo ayaa loogu yeeray markii ay ka aamustay qaraar lagu cambaareynayay Yahuuda oo ku saabsan dhuka ay ka haysta Falastiin.

Ma runbaa in u yeerista danjiraha ay timid kadib wadahadal telafoonka ah oo dhex-maray Ilhaan Cumar iyo Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya?

Miyaysan Ilhaan iyo Axmed Ciise Cawad kasoo wada jeedin hal qabiil, oo aysan horey uga soo wada shaqeynayay arrimo ku saabsan siyaasaddaha?

Turkiga miyuu xoog ku xasilinayaa Soomaaliya?

Turkiga ayaa maal-gelin xoog leh ku sameysanaya Soomaaliya. Wuxuu ka dhistay Muqdisho saldhiga ugu wayn meel ka baxsan dalkaasi. Xarunta Aqalka Hoose ayuu dhisaya, isaga oo tababaro siiya ciidamo la dagaalama Al-Shabaab.

Iyada oo ay jiraan xaaladahaan, miyuu Turkiga xoog ku xasilinayaa Soomaaliya? Ma rajeynaysaa in aad dibada u soo saartaa heshiisyada aad la gasheen Turkiga si qayb uga noqoto daah-furnaanta.

Muxuu hadafku u yahay la midoobida Somaliland?

Somaliland oo madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii ayaa nan wali helin aqoonsi caalami ah. Xildhibaan metala Somaliland ayaa ku jira baarlamaanka dowlada federaalka ah.

Dadaalo wadahadalo ah ayaa socda. Turkiga ayaa la rumeysan yahay in uu qayb ka yahay dalalka quudareynaya in uu mar kala martigeliyo wadaxaajoodyadda labada dhinac oo muhiim ah.

Hubanti la’aan Somaliland horumar ayay sameysay tan iyo gooni isu taagooda balse xukuumada Muqdisho ayaa dhowaan taageerada dhaqaale ka jartay Somaliland, maxay tahay saabta?

Maxaadan ugu guuleysan quluubta dadka Somaliland si loo sameeyo dib u heshiisin dhab ah? Sidee u wajaheysaa amniga?

Sikastaba ha ahaatee, hadii ra’iisul wasaare Khayre si hufan uga jawaabo dhamaan waydiimahaan, waxa uu dib ugu soo laaban doonaa Muqdisho isaga oo sida fariin kooban, dib loo furay akoonadii deeqbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM