Turkiga oo la sheegay in uu "gumeysi maskamaxeed" kawado Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Ra'iisul wasaaraha Gariiga, Kyriakos Mitsotakis, ayaa ku eedeeyay Turkiga in uu "gumeysi maskaxeed kawado" dalal ay ku jirto Soomaaliya si uu ula wareego ilaha dakhliga una xoojiyo saameyntiisa siyaasadeed.

Hadalkaan ayuu ka dhawaajiyey kadib markii uu shir wadajir ah la yeeshay hogaamiyeyaasha wadamadda Masar iyo Qubrus. Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayay weerar dhanka afka ah ugu qaadeen xukuumadda Ankara.

Si gaar ah, Mitsotakis ayaa shir jaraa'id oo kulankooda kadib ay qabteen wuxuu tilmaamay in Turkiga uu isku koobayo go'aan ka gaarista kheyraadka ku jira bariga badda Mediterranean-ka kaasoo u badan shidaal iyo gaas dabiici ah.

"Turkiga wuxuu adeegsanayaa luuqad aad u qalafsan isagoo qaadanaya go'aano hal dhinac ah iskana indhatiraya awaamiirta caalamiga ah iyo baaqyadda wadahadal ee kaga imaanaya Midowga Yurub, Ruushka iyo Mareykanka," ayuu Mitsotakis yiri isagoo aan xusin talaabada xigta oo ay qaadayaan.

Wuxuu ku daray: "Turkiga wuxuu isku madadaalinayaan gumeysigiisa maskaxeed khiyaali ah iyo talaabooyinkiisa qalafsan ee uu kawado ka bilow Suuriya ku gey Libya, laga bilaabo Soomaaliya ku gey Qubrus iyo Aegean illaa Caucasus".

Gariiga iyo Turkiga oo xiisadahooda ay bilooyinkii lasoo dhaafay cirka isku sii shareertay ayaa ka dambeysay markii Ankara ay shaacisay in Badda Madow ay kasoo saareyso Gaas dabiici ah shaqadaas oo laga soo warinayo "guulo".

Marka laga hadlo gudaha Soomaaliya, dowladda Turkiga ayaa dhaqaale bile ah siisa dowladda haatan jirta ee waqtiga kasii dhacayo iyaddoo maamusha kaabayaasha dhaqaalaha waddanka sidda dekadda iyo garoonka Muqdisho.

Wargeyska Africa Intelligence ayaa dhowaan baahiyey in Turkiga iyo Qadar ay iska kaashanayaan sidii uu doorashooyinka nagu soo fool eh ee 2020-21 u soo laaban lahaa madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo.

Sidda ku xusan warbixinta, hadafka ay Dooxa iyo Ankara u taageerayaan soo noqoashada Farmaajo waxay tahay in ay ilaashadaan danahooda gaarka ah oo ay kamid tahay in noqdaan go'aamiyeyaasha siyaasadda iyo ilaha dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM