UK oo soo bandhigtay qaabka ay Soomaaliya ula tacaali karto Corona

Image

LONDON, UK – Wadahadalo ay yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadda oo lama huraan ah ayaa sababa karin in lala tacaalo Coronavirus, sidda uu sheegay Ingiriiska.

Ben Fender, danjiraha UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in wadaxaajoodyaddu ay muhiim u yihiin arrimaha deyn cafinta iyo doorashooyinka sanadka dambe.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareeaha Twitter-ka ayuu u muuqdey mid taageeraya gogosha ay fidisay dowladda Puntland.

Illaa iyo haatan, hal kiis oo caabuqaas ayaa laga helay Muqdisho, wallow ay baaris ku socoto dad kale. Wasaarada Caafimaadka waxaa lagu booriyey in ay qarameyso dedaalada ka hortagga xanuunka.

"Wadahadalo fiican oo ay yeeshaan hogaamiyeyaasha dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubinta ka ah waa lama huraan; si deyn cafinta loo siiyo mudnanata, si sharciga cusub loogu qabto doorashooyin toos ah, iyo si loola tacalao Coronvirus," ayuu yir.

Hadaladaas ayuu diblumaasiga reer Britain daaha ka rogay xili uu ka falceliyey qoraal uu UN-ka ku bogaadiyey socdaalka la filayo in uu madaxweynaha Puntland ku tago Muqdisho iyo gobolada.

Saciid Cabdullaahi Deni oo meesha ka saarey in uu madaxda Villa Soomaaliya la yeelanayo shir toos ah ayaa sheegay in uu u gogol-xaarayo wadahadalada uu ku martiqaadey dhinacyadda.

Isagoo sii hadlaya, Fender ayaa xusay "waxaan soo dhaweynayaan talaabooyinka muuqda ee horey loo qaadey, waxaana rajeynayaa in arrimaha laga walaacsan lagu heshiin doono dhowaan".

Booqashada Deni oo noqon doonta tii ugu horeysay oo caasimada uu ku yimaado tan iyo markii la doortey ayaa aad isha loogu hayaa maxsuulka kasoo bixi doona, maadaama "siyaasad cakiran ay jirto".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM