Villa Soomaaliya oo dhaleeceyn culus kala kulantay talaabo ay qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Talaabo u muuqata olole doorasho, madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa iyaddoo loo dabaaldegayo xuska 26-ka June wuxuu xariga ka jaray xarumo kala duwan oo dayactir lagu sameeyay.

Dhismaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Tiyaarta Qaranka ayaa kamid ah meelaha uu madaxweynaha ku daahfuray munaasabada 60-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay gobolada waqooyi xorriyada qaateen.

Villa Soomaaliya ayaa cambaareyn baraha bulshadda ah kala kulantay qoraal lagu xardhay boorka daahfurka dhismaha Wasaaradda Warfaafinta, iyaddoo dadka ku dhaliilay ay kamid yihiin siyaasiyiin xilal soo qabtay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa kamid ah dadka naqdiyey qoraalkaas.

Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidda soo socota; "Xarunta Wasaaradda Warfaafinta oo ku burburtay dagaaladii sokeeye dowladda Nabad iyo Nolol dib u dayactirtay, waxaana xariga ka jaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo".

Siyaasi Cabdiraxmaan oo beeniyey in xarunta wasaaradda ku burburtay dagaaladii sokeeye ayaa kasoo horjeestay adeegsiga "dowladda Nabad iyo Nolol".

"Qoraalka uu madaxweynuhu daahfurayo waxaa ku qoran in Dowladda Nabad iyo Nolol ay dayactirtay Wasaaradda Warfaafinta oo ku burburtay dagaaladii sokeeye. Tan koowaad N&N waa koox ee dowlad maaha. Tan labaad waa been in wasaaradda warfaafinta ay dagaal sokeeye ku burburtay," ayuu Warsame kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee mareegaha Facebook.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay qoraal kale oo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda, Cabdinuur Maxamed Axmed, uu Facebook kusoo daabacay.

"Adaa fiiqdee kor ha u fiirin waxaa saaka badashay adaa fiicneeyee ku fiidso," ayuu Cabdinuur kusoo qoray Facebook, isagoo soo raaciyey sawirka xarunta dhismaha Tiyaarka Qaranka ee dib loo dayactiray.

Dadyowga baraha bulshadda kaga falceliyey qoraalkaas ayaa sheegay in erayadaas ay yihiin "kuwa xanaf leh oo abuuraya caadifad".

C/raxmaan C/shakuur ayaa xusay: "Qoraalkan iyo kii warfaafinta Madaxtooyada ka soo baxay way isla socdaan. Ujeedkuna waa USC ayaa wasaaradda dumisay, tiyaatarkana fiiqatay, Farmaajo ayaana dhisay. Dooda dhinaca kale waxay leedahay dalka waxaa dumiyey dowladii kali taliska ahayd oo sida Idaajaa uu soo wariyey tiri “Dad mooyee dal iga danbayn maayo".

Erayga uu adeegsaday ee ahaa "Adaa Fiiqdee Kor ha u Fiirin" waa Ruwaayad lagu jilay Tiyaatarka sanadkii 2002 oo halku dhiggeedu oo dhameystiran uu ahaa "Adaa Fiiqdee Ha Fiirin, Adaa Fujisee Ha Fariisan".

Kadib markii ay xoogeystay dhaleeceymaha dadweynaha ee baraha bulshadda, Cabdinuur ayaa fasiraad ka bixiyey "ujeedada ruwaayadaas".

"Ujeedada Ruwaayadaas waxay ahayd in lagu dhiirrigeliyo dadka in ay dib u dhistaan wixii ka burburay, waxaana Alle mahadiis ah in maanta dhididka iyo dhaqaalaha shaqalaaha Dowladda iyo shacabka Caasimadda lagu suurta galiyay in lagu dhiso iyada oo la fulinayo baaqii Madaxweynaha ee Isxilqaan. Guuleysta!," ayuu mar kale kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Dowladda Farmaajo ee muddo xileedka gabaabsiga ka yahay laguna eedeynayo in ay diidan tahay wadahadalo laga galo habka doorashada 2020-21 ayaa dhaqaalo gaar ah ku bixisay in ay iska difaacdo dhaliilaha baraha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM