Wabiga Shabelle oo fatahaad ka sameeyey degmada Mahadaay

Image

17 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabellada dhexe ayaa sheegaya in Roobab lixaad leh oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’yey degmada sababeen  fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Mahadaay Ciidle Warsame Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Roobabku saamayn ku yeesheen isu socodka gaadiidka, isla markaana Wabigu fatahaada ka sameeyey dhowr meelood.

In ka badan 70 gaari oo nuuca xamuulka qaada ayaa goobaha fatahaadu saamaysay ku xaniban, iyagoo  kusii jeeday gobollada dhexe ee Somalia.

Ilaa hadda majirto khasaaro fatahaadu gaysatay marka laga reebo xayiraada dhanka isusocodka.

Degmooyinka ay maraan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaa ka socday diyaar garow xoogleh, ka dib warbixin sheegtay inay dhici karto duufaanta El nino.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM