War-murtiyeed laga soo saarey Shir ka dhacay Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - War-murtiyeed wadajir ah ayaa laga soo saarey Shir 7-dii illaa 9-kii bishan ka socday magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasoo ay ka qeybgaleen wafuud ka socota dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan oo ay isagu yimaadeen Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa looga dooday soojeedinta wax ka bedelka cutubyada 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad oo ay soo diyaariyeen Guddiga Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbannaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shirka billowgiisii ka hadlayay ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya uu noqday mashruuc iska socda, oo cidii timaadaba kursiga ku macaashta, iyadoo aan si dhab ah loogu howlgalin in la dhameystiro.

Axmed Madoobe ayaa xusay in inta uu qabyada yahay Dastuurka aan la gaarin karin dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalen aan laga bixi doonin is-qab-qabsiga iyo khilaafaadka siyaasadeed. [Halkaan ka akhri warka].

HALKAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM