Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro xoog leh geystay oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay, halka Tobanaan kale ay ku dhaawacmeen markii qarax loo adeegsaday gaari walxo qarxa lagu soo rakibay uu ka dhacay degmada Xamar-weyn ee Muqdisho, maanta oo Isniin ah.

Qaraxa oo dhawaqiisa si wayn looga maqlay qaybo kamid ah caasimada ayaa laga soo wariyay kasoo horjeeda Mogadishu Mall - xarunta ganacsi ee ugu wayn magaala madaxda – halkaasi oo uu burbur soo gaarey.

Goobta laga soo wariyay dhacadaan oo ah mid mashquul badan ayaa waxaa ka akdhow dhismayaal dowladeed oo muhiim ah sida; xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo Saldhiga degmada Xamar-wayne.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka uu sameeyay goobo kale oo ganacsi oo ku yaallo meesha.

Booliska degmada ayaa sheegay in gaariga qarxay oo noociisu uu ahaa kuwa raaxada aysan cidna saarneen goorta uu qarxayey.

Al-Shabaab ayaa falalka noocaan ah dhabarka saarta mas'uuliyadooda, iyadoo Ururkaan xiriirka la leh Al-Qaacida uu lacago baad ah la qaato ganacsatada.

29-ka bishii hore ee Janaayo ayay ahayd markii qarax gaari oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya lagu khaarijiyay in ka badan 5 ruux oo shacab ahaa, iyada oo tirro kale ay ku dhaawacmeen.

Amniga ayaa kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay ku guuldareystay xukuumada Xasan Cali Khayre inay wax ka qabato, iyada oo mudii ay jirtay ay magaala madaxda martigelisay weeraro dhimasho badan.

Bishii October ee sanadkii 2017, waxaa Isgoyska Zoobe ee Muqdisho ka dhacay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo caalamka, kaasi oo ay geysteen kooxaha argagaxisada, iyada oo lagu dilay in ka badan 500 qof.

Warbixin dhowaan kasoo baxday sirdoonka Mareykanka ayaa lagu shaaciyay in sababaha keenay in xukuumada ku fashilanto wiiqitaanka Shabaab ay tahay in madaxda ay ku mashquulsan yihiin siyaasada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM